LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Waqtigeedu Dhammaaday Oo Ciidamada Turkiga Soo Tababaray Geysay Degmada Cabdicasiis & Mucaaradka Oo…

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaadiid dagaal iyo ciidamo aad u hubeysan la arkay fiidnimadii xalay iyagoo ku sii jeeda degmada Cabdicasiis ee waqooyiga Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kolonyo gaadiid ciidankii uusoo tababaray Turkiga ay marayeen waddooyinka waaweyn ee degmada, iyadoo la arkayay gaadiidka gaashaaman iyo ciidamo aad u fara badan oo dhaq-dhaqaaq sameynayay.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in la adkeeyay ammaanka isla markaana mararka qaar la hakiyay isu socodka shacabka xilli ay kolonyadu gudbeysay, taas oo sare u qaaday walaaca iyo hadal-heynta ku saabsan howlgal amni ama ciidamo xoojin ah oo socda.

Dhaqdhaqaaqan ayaa kusoo aadaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka iyo mudaharaadyada ay mucaaradku ku baaqeen in Muqdisho ay ka dhacaan 4-ta Juun 2026.

Ilaa hadda ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda oo lagu faahfaahinayo ujeedka dhabta ah ee ciidamadan loo geeyay degmada Cabdicasiis.

Sidoo kale, lama xaqiijin wax iska hor imaadyo ah, xarigyo, ama dhacdooyin kale oo la xiriira dhaq-dhaqaaqa ciidamada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *