Dowladda waqtigeedu dhammaaday oo ciidamo xoogan dul dhigtay Hoyga Sheekh Shariif

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay si weyn u xoojisay ciidamada ammaanka ee ku sugan agagaarka hoyga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadoo tallaabadan loo fasiranayo mid muujinaysa heerka sii kordhaya ee khilaafka siyaasadeed ee ka taagan caasimadda Muqdisho.
Warar kala duwan oo laga helayo magaalada ayaa sheegaya in ciidamo si culus u hubeysan la dhigay waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee ku dhow hoyga Sheekh Shariif, halka dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo aan caadi ahayn laga dareemayay xaafadaha ku hareeraysan goobtaasi habeenkii xalay.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar kamid ah mucaaradka siyaasadeed, iyadoo sidoo kale magaalada laga dareemayo cabsi la xiriirta bannaanbaxyo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la filayo maalmaha soo socda.
Dad badan oo shacabka kamid ah ayaa walaac ka muujinaya xaaladda cakiran ee Muqdisho, iyagoo ka baqaya in is jiid jiidka siyaasadeed uu sababo amni darro iyo qalalaase hor leh oo magaalada ka dhaca.
Ilaa hadda ma jirto wax war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda oo lagu sharaxayo sababta rasmiga ah ee keentay ciidamada la geeyay agagaarka hoyga madaxweynihii hore.









