Author: Banaadir24

Xogo la helayo ayaa sheegaya in Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), Mahad Salaad, uu xalay kulamo kala duwan la yeeshay xubno ka tirsan Madasha Mustaqbalka, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda amniga caasimadda Muqdisho iyo bannaanbaxa mucaaradku ku baaqeen inuu qabsoomo 4-ta bisha Juun. Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in kulamadan ay daba socdaan wada-hadallo xalay dhex maray Mahad Salaad iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed. Kulamada ayaa la sheegay inay qayb ka yihiin dadaallo lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadda siyaasadeed ee sii kordheysa isla markaana lagu xaqiijiyo in bannaanbaxyadu ku dhacaan si nabad ah. Wararka…

Read More

Xaaladda amni ee magaalada Baydhabo ayaa weli cakiran kadib markii ciidamada taageersan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ay la wareegeen qaybo muhiim ah oo magaalada kamid ah, balse saacado kadib dib uga baxeen goobihii ay horay u galeen. Howlgalka ciidamada Laftagareen ayaa bilowday aroornimadii hore ee Sabtida, markii ay weerar abaabulan ku qaadeen gudaha Baydhabo. Dagaallo culus ayaa ka dhacay xaafado kala duwan, iyadoo rasaas xooggan laga maqlayay inta badan magaalada. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada weerarka qaaday ay gaareen meelo istaraatiiji ah oo ay ku jiraan agagaarka bartamaha magaalada, taasoo cabsi weyn ku abuurtay shacabka. Ganacsiyo badan…

Read More

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa saaka gashay marxalad aad u xasaasi ah kadib markii ciidamada taageersan Cabdicasiis Laftagareen ay gudaha u galeen magaalada, gaar ahaan agagaarka Afar Irdoodka oo ah xarunta ugu muhiimsan magaalada isla markaana ku dhow xarumaha amniga iyo wasaaradaha maamulka. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in iska caabin xooggan ay halkaasi ka dhacday, iyadoo la xaqiijiyay dhimashada tiro dad ah, inkastoo aan wali la helin tirada rasmiga ah ee khasaaraha. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada gudaha galay ay isugu jireen kooxo hore ugu sugnaa magaalada iyo ciidamo aroornimadii hore kasoo galay duleedka Baydhabo, kuwaas oo la sheegay…

Read More

Xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka taagan magaalada Baydhabo ayaa sii xoogeysatay maanta kadib markii malaaq caan ah iyo ciidamo hubeysan oo taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ay ku biireen ciidamada ku sugan duleedka magaalada. Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in Malaaq Cali Maxamed Nuur “Shanla Gaab” iyo maleeshiyaad uu hoggaaminayo ay si rasmi ah ugu biireen ciidamada daacadda u ah Laftagareen, kuwaas oo horeyba iskugu abaabulayay hareeraha Baydhabo. Sidoo kale, ciidamo kale oo la sheegay inay kasoo goosteen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maanta gaaray duleedka Baydhabo, iyagoo ku dhawaaqay…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane, Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in ay jiraan dowlada doonaya in ay dalkeenna kala gooyaan, iyaga oo aan dooneyn Soomaali mideysan. “Waxaa jira dowladu doonaya in ay dalkeenna kala gooyaan, iyaga oo aan dooneyn Soomaali mideysan” ayuu yiri mudane Xamsa. Ra’aysuwasaaraha oo goob fagaara ah kula hadlayay boqolaal shacab ah ayaa intaa ku daray in qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay u nugulyihiin faragelinta shisheeyaha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa ku daray in siyaasiinta qaar ay gacansaar dhow la leeyihiin dowladaha doonaya in dalka la kala jarjaro, laguna beero calooshood u shaqeystayaal, si loogu duulo waddamo…

Read More

Wararka kasoo baxaya bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka ay kusii siqayaan magaalada Dhuusamareeb kadib markii ay kasoo gudbeen Mareergur iyagoo ka yimid Xarardheere, xilli ay cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee ka dhexeysa Villa Somalia iyo maamulka Galmudug. Ilo amni ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay ka fiirsaneyso tallaabooyin adag haddii uu xal noqon waayo khilaafka kala dhexeeya Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “QoorQoor”. Khilaafka ugu weyn ayaa salka ku haya cidda maamuli doonta doorashada soo socota ee Galmudug, iyadoo Villa Somalia lagu eedeynayo inay doonayso inay si toos ah u maamusho hanaanka siyaasadeed ee Dhuusamareeb iyadoo…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Waqtigeedu dhammaaday Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka reer Muqdisho aysan diyaar u ahayn in ay ka tanasulaan nabadda ay maanta heystaan. Mudane Xamsa oo boqolaal shacabka reer Muqdisho kula hadlayay goob fagaara ah kadib munaasabaddii Ciidda ayaa si weyn ugu boorriyay shacabka ku dhaqan caasimadda in ay ku fara adaygaan amniga oo aan marnaba gacantooda laga bixin. “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha inay ka tanasulaan nabadda ay maanta heystaan, Dowladda Soomaaliyeedna waxay ogoshahay xoriyadda hadalka.” Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay ogoshahay xoriyadda hadalka, dhaliisha iyo mudaaharaad salmi ah in la qabto, dadkuna ay…

Read More

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya wada-hadallo xasaasi ah oo shalay dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad, ka dib kulan kale oo hore uga dhacay magaalada Muqdisho oo uu sidoo kale ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa muujinaya in wada-hadalladaasi ay ku dhammaadeen natiijo la’aan. Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in Mahad Salaad markii ugu horreysay si cad u soo bandhigay rabitaankiisa ku aaddan inuu u tartamo xilka Madaxweynaha Galmudug, isagoo sidoo kale ku adkeystay in Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) lagu qanciyo inuu tanaasulo, ama si kale loo go’aamiyo hoggaanka…

Read More

Xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka taagan Galmudug ayaa sii xoogeysanaysa, kadib markii inta badan ciidamada dowladda Federaalka ee kusugan deegaannada maamulkaasi lagu amray inay si deg deg ah ula wareegaan amniga garoomada diyaaradaha magaalooyinka aysan hadda gacanta ku haynin. Xogaha la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada ku sugan magaalada Dhuusamareeb la faray in aysan wax amar ah ka qaadan karin cid aan ka tirsaneyn Madaxtooyada Federaalka, taasoo muujinaysa in Villa Soomaaliya ay si toos ah ula wareegayso maamulka howlgalada amniga ee Galmudug. Dhanka kale, qaar kamid ah taliyeyaasha ciidamadii dhawaan tababarka loogu soo xiray deegaanka Xananbuure…

Read More

Warar hoose oo isa soo taraya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu si adag ugu cadaadinayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) inuu si nabad ah uga baxo magaalada Dhuusamareeb, xilli uu cirka isku shareerayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan Villa Somalia iyo madaxda Galmudug. Sida ilo xog ogaal ah u sheegeen Banaadir24 Online, kulamo iyo wada-hadallo qarsoodi ah oo todobaadyadii lasoo dhaafay ka socday Muqdisho ilaa Galmudug ayaa lagu kala aragti duwanaaday qorshaha la xiriira xisbiga JSP iyo cidda loo sharxi doono musharaxa madaxweynaha. Wararka ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uusan dooneyn Axmed QoorQoor inuu…

Read More