LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

“Xasan Sheekh waa madaxweyne hore “, Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday….

General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u dhaliilay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in dalka uusan hadda lahayn hoggaan sharciyad buuxda leh.

Qeybdiid oo wareysi siiyay Shabeelle TV ayaa ku tilmaamay Xasan Sheekh “madaxweyne hore” oo waqtigiisii dhammaaday, wuxuuna ku eedeeyay dowladda inay qaaday tallaabooyin uu ku sheegay kuwo sharci darro ah, gaar ahaan weerarkii dhawaan lagu qaaday xubno kamid ah mucaaradka.

“Xasan Sheekh masuul kama ahan dalka, sharci darro ayaa nalagu weeraray maalintii dhaweyd. Ha keeno bisha 4-teeda ciidankii markaas loo baahnaa. Shalay awood buu lahaa, maanta ma hayo,” ayuu yiri Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Khilaafaadka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka oo isku haya arrimaha doorashooyinka, amniga iyo sharciyadda hay’adaha dowladda ayaa sii hoogeysanaya iyadoo hadalkan uu imaanayo kadib warar maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay oo sheegayay in Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu ka baxay safka mucaaradka kasoo horjeeda dowladda federaalka Soomaaliya, inkastoo hadalladiisii ugu dambeeyay ay muujinayaan inuu weli si adag u dhaliilsan yahay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *