Uncategorised

Xukuumadda Waqtigeedu Dhammaaday Oo Heshiis Macdan Qodis Ah La Gashay Turkiga

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dooneyso inay heshiisyo cusub oo dhanka macdanta ah la gaarto dowladda Turkiga, iyadoo rajo weyn laga muujiyay howlgallada shidaal baarista iyo gaaska dabiiciga ah ee Turkigu ka wado xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in haatan ay socdaan howlgallo qodis ah kadib markii la soo gabagabeeyay uruurinta xogta sahminta ee laga sameeyay badda Soomaaliya.

“Marxaladdan waxaan ku jirnaa howlaha qodista. Waxaa la dhammeeyay xog uruurinta sahminta xogtaasna waa la falanqeeyay. Hadda waxaa socda qodista ceelkii ugu horreeyay ee shidaal baarista ee xeebaha Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka.

Bishii April ayay dowladda Turkiga billowday howlgalkii ugu horreeyay ee qodis shidaal oo badda ah oo ay ka fuliso meel ka baxsan dalkeeda, iyadoo mashruuca Curad-1 laga hirgeliyay meel qiyaastii 372KM u jirta xeebta Muqdisho.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu magaalada Istanbul kula kulmay wasiirka tamarta Turkiga Alparslan Bayraktar, halkaas oo ay kaga wada hadleen sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinaca macdanta.

“Qodobka ugu weyn ee aan ka wada hadalnay wuxuu ahaa sidii loo dedejin lahaa heshiiska macdanta. Waxaan heshiis iskaashi saxiixnay sanadkii 2016, haddana waxaan rabnaa inaan dib u eegno si loo ogaado halka shaqada si rasmi ah looga bilaabi karo,” ayuu yiri.

Daahir Shire ayaa sheegay in Soomaaliya ay heysato xog badan oo taariikhi ah oo ku saabsan macdanta dalka, isla markaana Turkiga uu leeyahay khibrad farsamo oo ka caawin karta qiimeynta iyo sahminta kheyraadka dabiiciga ah.

“Soomaaliya waxay leedahay kheyraad dabiici ah oo aad u badan, laga bilaabo silica sand ilaa uranium. Waxaan dooneynaa inaan si nabad ah, macquul ah oo saaxiibtinimo leh uga faa’iideysanno khayraadkaas,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *