LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Beegsiga Saraakiishii Maamulka Laftagareen Oo Sii Socda & Taliyihii Hore Booliiska Gobolka Baay Oo…

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xalay weerar hubeysan lagu qaaday guriga sarkaal hore oo lagu magacaabo Aamin Mad-Daruur oo horay u ahaa Taliyihii Booliska gobolka Bay ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, ciidamo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gudaha u galay guriga oo ku yaalla xaafadda Cadaada, halkaasi oo ay kaga qaateen qori AK-47 ah oo uu geystay waardiyaha guriga.

Aamin Mad-Daruur ayaa lagu tilmaamaa inuu xiriir dhow la leeyahay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed “Lafta Gareen”, arrintaas oo sii kordhisay hadal heynta iyo xiisadda ka dhalatay howlgalka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ehellada iyo taageerayaasha sarkaalkan hore ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo iyo abaabul ay uga caroodeen howlgalka lagu qaaday guriga iyo sida loo fuliyay.

Ilaa hadda ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ama maamulka Koonfur Galbeed oo lagu sharaxayo sababta ka dambeysay howlgalkaasi.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli Baydhabo ay ka jiraan xaalado siyaasadeed iyo kuwo amni oo aad u xasaasi ah, iyadoo marar badan ay magaalada kasoo cusboonaadeen xiisado u dhexeeya dhinacyo kala duwan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *