Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 83-guurada kasoo wareegatay aas-aaskii halyeeyadii xaq u dirirka ahaa ee Ururkii SYL iyo maalinta dhallinyarada soomaaliyeed ee 15-ka,ayaa ka hadlay arrimaha dastuurka, doorashooyinka qof iyo codka ah iyo xaaladda guud ee dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhaqangelinta dastuurka ay si rasmi ah u bilaabatay,iyadoo la kala saari doono Baarlamaanka iyo XFS. “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala saari doonaa Baarlamaanka iyo XFS,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale ka hadlay muddo xileedka dowladda,…
Qaar kamid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya ayaa bilaabay inay dib u eegaan xiriirka siyaasadeed iyo wada shaqeynta ay la leeyihiin Dowladda Federaalka, iyadoo ilo diblomaasiyadeed ay sheegayaan in qaar kamid ah dowladahaasi ay hadda u arkaan xukuumadda Villa Soomaaliya mid gashay marxalad xilgaarsiin ah kadib dhammaadka muddo xileedkeeda. Wararka ayaa sheegaya in dowlado gobolka ah ay walaac weyn ka muujiyeen jahawareerka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo saameynta uu ku yeelan karo ammaanka Geeska Afrika, iyagoo bilaabay dhaq dhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo arrintan lagu xallinayo. Kulamo dhowaan ka dhacay Washington oo ay yeesheen mas’uuliyiin Mareykan ah iyo wasiirro ka socday dalalka…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muddo kororsiga la xiriira dowladda Federaalka. Sheekh Shariif ayaa sheegay in aysan suuragal ahayn in shacabka lagu qanciyo muddo kororsi ama waqti dheeraad ah oo loo sameeyo Madaxweynaha, isagoo xusay in xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ay sii adkaan karto haddii tallaabooyin aan heshiis lagu ahayn la qaado. “Xasan waqti bilo haloogu daro haddii la dhaho dadka ayaaba na dilaya, marka Xasan hadduu dhaho waan ku darsaday waa tuu ku dhiman lahaa,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay in dalka uu galay marxalad siyaasadeed iyo mid dastuuri ah, kaddib dhammaadka muddooyinka dastuuriga ah ee hay’adaha dowladda Federaalka. Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda siyaasadda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed in la ilaaliyo midnimada iyo dowladnimada dalka, islamarkaana laga wada shaqeeyo sidii looga bixi lahaa xaaladda cakiran ee taagan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xukuumadda hadda jirta ay ku ekaato xil-gaarsiinta, isla markaana laga fogaado go’aanno waaweyn oo saameyn kara mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, ilaa laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo loo dhan…
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo dhaawac halis ah lagu gaarsiiyay ilaa saddex horjooge oo sare, sidoo kalana lagu burburiyay gaadiid iyo xarumo ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay abaabulka maleeshiyaadka, ka fuliyay deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan. Ciidanka NISA oo la socday dhaq-dhaqaaqa Horjoogeyaashan sare oo ka tirsan Khawaariijta kuwaas oo gaaray deegaanka Buq-aqable, ayaa weerar culus ku qaadey goob ay abaabul ka wadeen, waxaana dhaawacyo halis ah lagu gaarsiiyay Cali Xuseen oo ah horjoogaha maleeshiyaadka dhagarta fuliya ee Gobollada Dhexe, Mowliid Jiis oo ah wakiilka Khawaarijta ee degmada Buulo-burde, iyo…
Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyada oo fulinaysa waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran dhaqan-galinta doorasho Qof iyo cod ah oo muwaadiniinta fursad u siineysa in ay helaan xaqooda dastuuriga ah, Dawladdu waxa ay cadaynaysaa in Dalku uu galay xilligii loo guuri lahaa nidaam dimuquraaddi ah oo ka hana qaada dalka kuna dhisan mabda’a Qof iyo Cod. Waxaa dedaaladaas bar-bar socday wada xaajoodyo joogto ah oo ay Dowladdu la yeelanaysay daneeyayaasha arrimaha Doorashooyinka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed si loo dhagaysto talooyinkooda. Sadexdii Maalmood ee lasoo dhaafay, Dawladdu waxa ay wadahdallo la yeelatay qaar ka mid ah Xubnaha…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayay 83-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaskii halyeeyadii xaq u dirirka ahaa ee Ururkii SYL iyo maalinta dhallinyarada soomaaliyeed ee 15-ka May ayaa ubax dhigay Taalada SYL, si loo maamuuso halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed iyo doorkii taariikhiga ahaa ee dhalinyaradii Soomaaliyeed ay ku lahaayeen xoreynta dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in halyeeyadii dhallinyarada ahaa ee ku bahowday Ururkii SYL ay ahaayeen astaan mideysay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana horseeday baraarug qaran oo saldhig u noqday helitaanka xorriyad dhammeystiran iyo dhismaha dowladnimo Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed…
Xiisad siyaasadeed iyo mid militari ayaa cirka isku shareertay kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay maanta sheegtay inay dagaal kula jirto kooxo argagixiso ah iyo ciidamo ay ku eedeysay inay ka amar qaataan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo sida ay dowladda sheegtay iskaashi yeeshay. Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgaladii ka dhacay duleedka Baydhabo lagu beegsaday maleeshiyaad garab siinayay Khawaarijta Al-Shabaab, iyadoo DFS ay ku adkeysatay in kooxahaasi khatar ku yihiin amniga iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed. Dhanka kale, Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa si adag u beenisay eedeymahaasi, waxayna sheegtay in ciidamadooda ay yihiin kuwo…
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka magaalada Baydhabo, kaddib weerar gaadmo ah oo shalay subax ay kooxo nabad-diid ah iyo maleeshiyaad argagixiso oo wada socday ay kusoo qaadeen ciidan ku howlanaa sugidda amniga. Howlgalka ayaa lagu dilay 50 xubnood oo isugu jiray Khawaarijta Al-Shabaab iyo maleeshiyaad hubeysan oo garab siinayay. Ciidanka ayaa sidoo kale burburiyay gaadiid dagaal iyo agab ciidan oo ay kooxuhu u adeegsanayeen abaabulka weerarro ka dhan ah Ciidanka Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed. Wasaaradda Gaashaandhigga waxay caddeyneysaa in weerarkii gaadmada ahaa ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad taabacsan Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo si toos…
Wararka maanta laga helayo magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Booliiska ay gacanta kusoo dhigeen rag magaalada ka geystay dilal iyo dhac. Ciidamada Booliiska degmada Hodan ayaa soo qabtay saddex eedeysane oo lagu eedeeyay inay habeen kahor dhac iyo dil degmada Hodan gaar ahaan Xaafada Zoona Keey ugu geysteen wiil dhallinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Xuseen Guure kaasoo ay dileen kadibna ka qaateen Taleefan Iphone ah uu watay marxuumka xilli labadii habeenimo uu kasoo laabtay shaqo una socday hooygiisa. Wararka ayaa waxay sheegayaan in eedeysanayaasha markii la qabtay ay wateen taleefankii marxuumka ay ka qaateen taasoo noqotay caddeynta…