LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Turkiga oo Farriin Adag u Dirtay Villa Somalia, Kana Hortimid Qorshaha Xasan Sheekh

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dowladda Turkiga ay qorsheyneyso inay ciidda kadib wafdi heer sare ah oo ka socda Madaxtooyada Ankara usoo dirto magaalada Muqdisho, si ay wadahadallo ula yeeshaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wafdigan ayaa la filayaa inay madaxda dowladda ku wargeliyaan muhiimadda ay leedahay in heshiis siyaasadeed laga gaaro hanaanka doorashooyinka dalka, xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo ismari waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adaha Sirdoonka Turkiga ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay kulamo la yeeshay xubno ka tirsan mucaaradka Soomaaliya iyo wakiillo ay soo dirsadeen, iyagoo kala hadlay sidii loo xaqiijin lahaa in Ankara aysan dhinac gaar ah la safnayn, balse ay isu muujineyso dhexdhexaad doonaya xal siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in Turkiga uu dareemay marxalad cusub oo siyaasadeed oo dalka galay, taasoo ku qasabtay Ankara inay dib u eegis ku sameyso jihadii ay hore ugu wajahneyd arrimaha Soomaaliya, maadaama ay maalgashi ballaaran oo amni iyo dhaqaale ku leedahay koonfurta dalka.

Dhanka kale, Ankara ayaa wajahaysa eedeymo la xiriira inay si dadban ugu lug yeelatay arrimaha gudaha Soomaaliya, arrin hore loogu dhaliilay dowlado shisheeye oo saameyn siyaasadeed ku yeeshay geeddi-socodka dalka.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa dhowaan ku eedeeyay dowladda Turkiga inay qeyb ka ahayd cadaadisyo siyaasadeed iyo guluf lagu beegsaday maamulkiisa, kuwaas oo ugu dambeyn sababay isbeddel ku yimid awoodda maamulkaasi.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *