Muqdisho oo Xalay Gashay Xiisaddii Ugu Cusleyd Kadib Dhaqdhaqaaqyo Ciidan

Warar isa soo taraya oo laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dowladda federaalka ee waqtigeedu sdhammaaday ay xalay si weyn u xoojisay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda xaafado dhowr ah oo loo arko meelaha ugu badan ee ay mucaaradku ku leeyihiin taageerada siyaasadeed.
Goobjoogayaal ku sugan degmooyinka qaar ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay wateen gaadiid dagaal iyo kuwa gaashaaman, kuwaas oo lagu daadiyay waddooyinka waaweyn iyo isgoysyada muhiimka ah ee magaalada. Ciidamada ayaa sidoo kale sameeyay baro koontarool oo cusub, iyagoo si adag u baarayay dadka iyo gaadiidka isticmaala waddooyinka la xiray.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in habeenkii lasoo dhaafay si weyn loo dareemayay cabsi iyo dhaq-dhaqaaq ciidan oo aan caadi ahayn, iyadoo gaadiidka dagaalka lagu arkayay xaafado badan oo horey loogu yaqaanay inay hoy u yihiin siyaasiyiinta mucaaradka iyo taageerayaashooda.
Qaar kamid ah shacabka ayaa sheegay in waddooyin muhiim ah gabi ahaanba la xiray, taasoo keentay in uu yaraado isu socodkii dadka iyo ganacsigii habeenkii. Ganacsato iyo darawallo ayaa cabasho ka muujiyay hakadka ku yimid dhaqdhaqaaqii magaalada, iyagoo sheegay in xaaladda amni ee cakiran ay saameyn ku yeelatay nolol maalmeedkooda.
Ilo wareedyo siyaasadeed ayaa sheegaya in tallaabooyinkan ay kusoo aadayaan xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, kuwaas oo si weyn uga soo horjeestay muddo kororsiga iyo hanaanka siyaasadeed ee dowladda hadda jirta.
Mucaaradka ayaa horey dowladda ugu eedeeyay inay adeegsaneyso awood ciidan iyo caburin siyaasadeed si ay u xakameyso dhaqdhaqaaqyada kasoo horjeeda, halka dowladda ay dhankeeda sheegtay in tallaabooyinka amni ay la xiriiraan sugidda ammaanka caasimadda.
Xiisadda sii kordheysa ee ka taagan Muqdisho ayaa dhalisay walaac horleh oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo amniga dalka, iyadoo shacabka ay ka cabsi qabaan in khilaafka siyaasadeed uu isu beddelo isku dhacyo amni oo saameyn ku yeesha guud ahaan magaalada.









