Villa Somalia oo amar culus soo saartay kadib cabsi xoog leh oo soo wajahday

Warar isa soo taraya oo laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo rogtay xayiraado cusub oo la xiriira safarrada siyaasiyiinta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Madaxtooyada Villa Soomaaliya ay hay’adaha ammaanka, gaar ahaan NISA, ku amartay in si dhow loola socdo dhaqdhaqaaqa siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta doonaya inay u safraan Galmudug, iyadoo la sheegayo in safarro badan loo baahan doono oggolaansho gaar ah oo kasoo baxa Villa Soomaaliya.
Sidoo kale wararka ayaa tilmaamaya in diyaaradaha gaarka loo leeyahay iyo safarrada aan si rasmi ah loo diiwaangelin aan loo oggolaan doonin inay tagaan Dhuusamareeb, ilaa amar iyo fasax rasmi ah laga helo dowladda dhexe.
Hay’adaha ammaanka ayaa la sheegay inay sare u qaadeen baaritaannada lagu sameynayo diyaaradaha rayidka ah ee ku wajahan Galmudug, iyadoo si gaar ah loo hubinayo rakaabka, shixnadaha iyo rukhsadaha duulimaadyada, arrintaas oo qeyb ka ah loollan siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu jiro dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoogan oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo siyaasiyiin mucaarad ah oo taageero ku leh deegaannada bartamaha Soomaaliya, halka Dhuusamareeb ay noqotay goob si weyn loogu abaabulo kulamo iyo isbahaysiyo siyaasadeed.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ama maamulka Galmudug oo si toos ah u xaqiijinaya ama u beeninaya wararkan, balse xaaladda ayaa dhalisay hadal heyn siyaasadeed oo xooggan.









