Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24
Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa bayaan adag kasoo saartay rabshadaha iyo dagaallada ka socda caasimadda Soomaaliya, iyadoo ku tilmaantay xaaladda jirta mid “aan masuuliyad lahayn” oo halis ku ah xasilloonida dalka. Safaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay muujiyaan is-xakameyn, kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda. Waxay carrabka ku adkaysay in hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ay mudnaanta siiyaan ilaalinta amniga, midnimada qaranka iyo danaha shacabka Soomaaliyeed. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in go’aannada la qaato saacadaha iyo maalmaha soo socda ay saameyn weyn ku yeelan karaan mustaqbalka siyaasadeed, amniga iyo wadajirka Soomaaliya, taasoo muujinaysa walaaca sii…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale ergo nabadeed iyo xubno ka tirsan wasiirrada dowladda oo kasoo jeeda saamiga siyaasadeed ee Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre u dirtay aagga uu dagaalku ka socdo, iyadoo sheegtay inay diyaar u tahay joojinta dagaalka iyo dib u qaadista ciidamadeeda haddii la helo xabbad-joojin degdeg ah. Tallaabadan ayaa imaaneysa kadib saacado badan oo xiisad iyo dagaal ay ka jireen magaalada Muqdisho, iyadoo ilo kala duwan ay sheegayaan in dadaallo diblomaasiyadeed iyo cadaadis caalami ah ay socdaan si loo dejiyo xaaladda. Wararka soo baxaya ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu habeenkii xalay si adag…
Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin ayaa soo saaray wargelin iyo digniin amni oo ku socota shacabka ku nool caasimadda Muqdisho, isagoo sheegay in geba-gebo marayo howlgal amni oo ballaaran oo ay wadaan hay’adaha ammaanka. Qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka uu bartilmaameedsanayo maleeshiyaad ku hubeysan hub culus oo lagu eedeeyay inay hoobiyeyaal ku garaaceen qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho, taasoo khatar gelisay nolosha dadka rayidka ah. Hay’adaha ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in kooxahan ay ku sugan yihiin goobo ay deggen yihiin xubno lagu tilmaamay qaswadayaal isku sheegaya siyaasiyiin, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen…
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in in ka badan 12 saacadood oo howlgal iyo dhaq-dhaqaaq ciidan ah kadib aan lagu guuleysan ujeeddo la sheegay in lagu bartilmaameedsanayey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in ciidamada difaacaya labada hoggaamiye ay si adag uga hortageen isku day kasta oo lagu doonayay in lagu jebiyo difaacyada ay ku sugnaayeen, inkastoo la sheegay in la adeegsaday hub kala duwan intii ay socdeen iska horimaadyada. Wararka ayaa intaas ku daraya in xaalad jahwareer ah laga dareemayo gudaha ciidamada dowladda, iyadoo la…
Warar kala duwan oo laga helayo Muqdisho ayaa sheegaya in xaalad aad u kacsan ay ka taagan tahay qaar ka mid ah xaafadaha ku dhow halka uu degan yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Hassan Ali Kheyre. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhinacyada ay adeegsadeen hub culus, iyadoo ay jiraan warar kale oo tilmaamaya in madaafiic iyo hub culus ay dowladda ku garaacday qaar ka mid ah aagagga ay xiisaddu ka taagan tahay. Warararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in hubka culus ee la adeegsanayo uu ka mid yayay mid horey dalka loogu soo kordhiyay si loogu xoojiyo la dagaallanka Al-Shabaab,…
Ciidamo la sheegay inay daacad u yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa lagu soo warramayaa inay la wareegeen goobo muhiim ah oo ku yaalla degmada Cabdi Casiis ee Muqdisho, kaddib iska horimaadyo iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka socda halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay qabsadeen Hoteellada Elite iyo Beach View, iyo sidoo kale qaar ka mid ah dabaqyada muhiimka ah ee degmada, iyagoo watay hub culus. Sidoo kale, ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ciidamadan ay doonyo uga soo gudbeen gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii la sheegay in ciidamada dowladda ay xireen waddooyinka waaweyn ee…
Dagaal culus ayaa markale ka qarxay agagaarka hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegayaan ilo kala duwan. Goobjoogayaal ayaa sheegay in la maqlayo rasaas xooggan oo xiriir ah, iyadoo iska horimaad hubeysan uu weli ka socdo deegaanka ku xeeran hoyga madaxweynihii hore. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ciidamada ammaanka iyo ciidamo daacad u ah Sheekh Shariif ay isku horfadhiyaan goobta, inkastoo aan weli la helin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka. Xaaladda ayaa lagu tilmaamay mid aad u kacsan, iyadoo shacabka ku nool deegaankaasi…
War goor dhow naga soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhow weerar culus lagu qaaday hoyga uu muqdisho ka deganyahay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Ciidamada dowladda ayaa lagu soo warramayaa inay weerarka ku qaadeen hooyga halkaas oo sidoo kale ay joogeen ciidamo ka ammar qaata Xasan Cali Kheyre. Wararku waxay sheegayaan inay halkaasi ka socto rasaas xoogan oo labada dhinac ay isweeydaarsanayaan. Faahfaahinta la soco.
Suldaanka Guud ee Beesha Agoonyar Abgaal ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dhacdada la sheegay in lagu weeraray hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo sheegay inuu goobta ku sugnaa xilligii ay dhacdadu dhacaysay. Suldaanka ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid lagu bartilmaameedsaday guriga uu degan yahay Sheekh Shariif, wuxuuna dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay falkaasi. Wuxuu sheegay in dhacdadu ay abuurtay walaac amni iyo cabsi ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka. Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan jawaabin eedeymaha uu Suldaanku jeediyay, mana jirto war rasmi ah oo kasoo…
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa dhacdadii nasiib-darrada ahayd ee galabta ka dhacday degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, taas oo ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad hubeysan oo wejiyada soo duubtay, Kuwaasoo uu soo abaabulay Xasan Cali Khayre. Maleeshiyaadkan oo ku hubeysan hub culus ayaa si toos ah u beegsaday xarun ay leeyihiin Ciidanka Booliska ee saldhigga degmada Howlwadaag, taasoo xalay fiidkii uu ku soo daabulay maleeshiyaadkan, waxaana nasiib darro ah in maleeshiyaadkaas ay hubka culus ee ay wateen ku garaaceen xaafado ay degan yihiin dad shacab ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa in aan la…