Author: Banaadir24

Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in dagaal qaraar uu ka dhacay deegaanka Iidow Dhegaal ee duleedka magaalada Baydhabo, iyadoo xaaladda amni ee gobolka ay sii xumaaneyso saacadihii lasoo dhaafay. Deegaankan ayaa ku dhow Ceel-doon, halkaas oo hore loogu dilay laba taliye guuto oo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka kadib dagaallo iyo howlgallo ciidan oo dhacay maalmo kahor. Dagaalka cusub ayaa yimid kadib markii ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Baydhabo ay sameeyeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo howlgallo amni, xilli ay sii kordhayaan cabsi la xiriirta qalalaase iyo isku dhacyo horleh. Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda…

Read More

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xiisad xooggan ay ka dhex aloosan tahay hay’adaha ammaanka dowladda, kadib markii saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya la xiray iyadoo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kasoo horjeeda muddo kororsiga lagu eedeeyay madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in qaar kamid ah saraakiisha la qabtay aan ilaa hadda la ogeyn halka lagu hayo, arrintaas oo sare u qaaday walaaca ku saabsan xaaladdooda iyo habka loo wajahayo khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira. Sidoo kale, dowladda waqtigeedu dhammaaday ayaa lagu warramayaa…

Read More

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa warsaxaafadeed culus kasoo saaray hanjabaado ay sheegeen in loo jeediyay xubnahooda iyo musharraxiinta siyaasadeed, iyagoo si toos ah farta ugu fiiqay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Goluhu wuxuu sheegay in hanjabaadahaasi aysan ahayn kuwo shaqsiyeed oo keliya, balse ay khatar ku yihiin amniga, xasilloonida iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka, xilli Soomaaliya ay wajahaysa xaalad siyaasadeed oo cakiran. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in muddooyinkii dambe ay jireen cadaadisyo iyo cabburin siyaasadeed oo ka dhan ah mucaaradka, iyadoo goluhu uu ka digay tallaabo kasta oo horseedi karta qalalaase iyo sharci jab. Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ciidamada…

Read More

Magaalada barakeysan ee Makka Al-Mukarama waxaa maanta ka dhacay buuq iyo muran la xiriira adeegyada Xajka, kadib markii koox ka mid ah xujeyda Soomaaliyeed ay hor istaageen gaari uu watay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Goobjoogayaal ayaa sheegay in xujeyda careysan ay wasiirka ku eedeeyeen Wasaaradda Awqaafta inay ku fashilantay ilaalinta xuquuqdooda iyo bixinta adeegyo ku filan intii lagu guda jiray gudashada waajibaadka Xajka. Dadka mudaharaadayay ayaa cabasho xooggan ka muujiyay dhinacyada hoyga, gaadiidka iyo isku dubbaridka guud ee howlaha Xajka. Muuqaallo iyo warbixino lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay hadallo kulul iyo dood…

Read More

Safiirka Somaliland u magacowday Israa’iil, Dr. Maxamed Xaaji, ayaa shaaciyay in safaaradda Somaliland laga furi doono magaalada Qudus (Jerusalem), isagoo si cad ugu aqoonsaday magaaladaas caasimadda Israa’iil. Dr. Maxamed Xaaji ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil ay safaarad ka furan doonto magaalada Hargeysa, arrintaas oo uu ku tilmaamay bilow cusub oo muujinaya xiriir sii xoogeysanaya iyo iskaashi istiraatiiji ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil. Qoraal uu baahiyay ayuu ku yiri: “Waxaan ku faraxsanahay inaan shaaciyo in Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland laga furi doono Jerusalem dhawaan, halka Israa’iil-na ay safaarad ka furan doonto Hargeysa.” Tallaabadan ayaa dhalisay hadal heyn siyaasadeed oo…

Read More

Warar laga helayo kulan shalay galabtii ka dhacay Xerada Xalane ayaa sheegaya in wakiilada caalamiga ah ay xubnaha Golaha Mustaqbalka u xaqiijiyeen laba qodob oo xasaasi ah oo quseeya xaaladda siyaasadeed ee dalka. Daneeyayaasha caalamiga ah ayaa la sheegay inay qireen in dowladda Federaalka ay gashay xilli kala guur ah kaddib dhammaadka muddo xileedkeeda, islamarkaana loo baahan yahay in talada dalka lagu maareeyo si wadajir ah oo aan hal dhinac go’aan gaar u lahayn. Sidoo kale, waxay carrabka ku adkeeyeen in aan la aqbali karin doorasho uu dhinac kali ah go’aankeeda yeesho, iyadoo ay sheegeen in nooca iyo hannaanka doorashada…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Daccò Coppi, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin laga siiyay halka ay marayaan seddex mashruuc oo waaweyn oo isbitaallo loogu dhisayo degmooyinka kala ah, Afmadoow Jubbada Hoose, Xarardheere Mudug iyo Caddale Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo ay maalgalinayso dowladda Talyaaniga. Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa boggaadiyey xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya Talyaaniga muddada dheer, gaar ahaan dhinacyada diblumaasiyadda, horumarka, waxbarashada iyo taageerada bani’aadannimada, isaga oo safiirka la-wadaagay guulaha…

Read More

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Daarusalaam ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu dilay saddex nin oo lagu eedeeyay inay dhibaato joogto ah ku hayeen shacabka ku nool xaafaddaas. Raggan ayaa la sheegay inay dadka ka dhici jireen taleefannada gacanta iyo agab kale oo ay wataan, iyagoo cabsi iyo amni darro ka abuuray deegaanka muddooyinkii dambe. Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, shacabka xaafadda oo kaashanaya ciidamada booliiska ayaa maanta tallaabo adag ka qaaday raggaasi, waxaana wararka hordhaca ah ay tilmaamayaan in mid kamid ah uu goobta ku dhintay halka labada kale loo qaaday isbitaal iyagoo qaba dhaawacyo…

Read More

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu mushaar kordhin u sameeyay ciidamada dowladda, iyadoo askarta dableeyda ah oo hore u qaadan jirtay $200 oo mushaarka ah bishii hadda loo kordhiyay loogana dhigay $300. Qorshahan cusub ee mushaar kordhinta ayaa kusoo aadaya xilli uu cirka isku shareeray khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo xileedka madaxweynaha oo dhammaaday, islamarkaana mucaaradka ay si weyn uga horyimaadeen tallaabada sanad dheeraadka ah ee uu sheegay inuu ku darsaday, taasoo laga cabsi qabo inay dalka u horseedi dagaal iyo fowdo. Ilo amni oo la hadlay Banaadir24 Online ayaa sheegay…

Read More

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dallka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar uu uga socdo dugsiga Tababarka Xanan Buure ee magaalada Caabdudwaaq. Kormeerka Taliyaha waxaa ku wehlinayay Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Col. Maxamed Dhagawayne iyo saraakiil kale oo katirsan Ciidanka Xoogga Dalka. Ujeedka kormeerka ayaa ahaa u kuurgalida xaaladda cutubyada ciidanka ee tababarka ku jira, tayada tababarka ay qaadanayaan iyo dhiirigelinta ciidamada si ay u laba jibbaaraan waajibaadka qaran ee saaran. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa la hadlay ciidamada tababarka ku jira,…

Read More