Wararkii ugu dambeeyay qasaaraha qarax ka dhacay magaalada Marka

Wararka laga helayo magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in qarax miino oo nooca dhulka lagu aaso ah uu maanta ka dhacay gudaha magaaladaasi, kaasoo dhaawac u geystay haweeney rayid ah.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in haweeneyda dhaawacantay ay goobta ka waday shaqo ganacsi oo shaah iibin ah xilliga uu qaraxu dhacay, waxaana isla markiiba goobta gaaray dad shacab ah iyo ciidamada ammaanka.
Qaraxa ayaa cabsi iyo kala carar ka dhex abuuray dadka ku sugnaa agagaarka halka uu ka dhacay, iyadoo ciidamada dowladda ay xireen goobta islamarkaana bilaabeen baaritaanno la xiriira qaraxaasi.
Ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah loogu eedeeyay mas’uuliyadda weerarka, hase yeeshee qaraxyada noocan ah ayaa marar badan kusoo noqnoqday magaalada Marka iyo deegaanada kale ee gobolka Shabeellaha Hoose kuwaas oo intabadan ay geystaan maleeshiyada Al-Shabaab.
Qaraxyada noocaan ah ayay intabadan waxyeello kasoo gaartaa dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan ee la daalaa dhacaya nolosha.









