Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Safaaradda Mareykanka ee ku taalla Jabuuti ayaa soo saartay digniin amni oo ku socota muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan dalkaas, iyadoo sabab uga dhigtay xiisadaha ka jira gobolka Bariga Dhexe iyo hanjabaado loo jeediyay danaha Mareykanka. Safaaradda ayaa sheegtay in badbaadada muwaadiniinta Mareykanka ay tahay mudnaanta koowaad ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, iyo guud ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka. Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti waxay sheegtay in: Dhammaan ballamihii caadiga ahaa ee adeegyada qunsuliyadda la joojiyay. Shaqaalaha safaaradda la yareeyay joogitaankooda gudaha safaaradda. Si kastaba ha ahaatee, safaaraddu weli way shaqaynaysaa si ay u bixiso…
Dalladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee SONSA (Somalia Non-State Actors) ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed ay ku baaqayso in si degdeg ah dib loogu bilaabo wada-hadallada siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada, si xal loogu helo khilaafaadka ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka dalka. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xaaladda siyaasadeed ee dalka ay u baahan tahay wada-tashi iyo isfahan si looga fogaado xiisado sii kordha oo saameyn ku yeelan kara xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya. Bulshada rayidka ayaa adkeysay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyadu u hoggaansamaan dastuurka dalka, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo sii…
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa shaacisay in ururka Ikhwaanul Muslimiinka ee Sudan lagu daray liiska ururrada argagixisada, iyadoo lagu eedeeyay inuu ku lug leeyahay falal rabshado iyo tacadiyo ka dhacay dalka Sudan. Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in ururka uu taageero ka helo dowladda Iiraan, gaar ahaan ciidanka loo yaqaan Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC). Mareykanka ayaa sheegay in xiriirkaas uu qayb ka yahay taageero dhaqaale iyo mid militari oo la sheegay in lagu hurinayo rabshadaha ka socda Sudan. Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in ururka lagu eedeeyay inuu door…
Maleeshiyaad la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab ayaa weerar madaafiic hoobiyeyaal ah ku qaaday Xerada Hiilweyne oo ku taalla inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan deegaanka ku dhow xerada, waxaa si xooggan loo maqlayay jugta madaafiicda hoobiyeyaasha oo ku dhacayay agagaarka xerada, taasoo cabsi ku abuurtay dadka ku nool deegaannada u dhow. Xerada Hiilweyne ayaa lagu soo waramayaa inay ku xareysan yihiin boqolaal askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood tababar u dhamaaday halka kuwo kalena uu weli u socdo tababar…
Guddiga Mootooleeyda Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in aanay jirin wax bannaanbax ah oo ay qabanayaan wadayaasha mootooyinka Bajaajta ee ka shaqeeya Magaalada Muqdisho, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay ka cabanayay sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka. Afhayeenka Guddiga Mootooleeyda Gobolka Banaadir, Ibraahim Nuur Maxamed (Afguduud), oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in wararka sheegaya in darawallada Bajaajta ay qabanayaan bannaanbax aysan waxba ka jirin. Ibraahim Afguduud ayaa tilmaamay in wadayaasha mootooyinka Bajaajta iyo guud ahaan muwaadiniinta shaqeysta aysan qorsheynayn wax bannaanbax ah oo ka dhacaya Muqdisho, isaga oo sheegay in qofkii isku daya in Magaalada…
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa caawa kulan afur iyo wadatashi ah la qaatay Goleyaasha Xukuumadda Puntland iyo Xildhibaannada Puntland ku metela Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan Garoowe . War kasoo baxay kulankaas ayaa lagu sheegay in Puntland ay markale ku celisay in Dastuurka sida sharci darada ah lagu bedelay ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sameystay, aysan Puntland qeyb ka aheyn, sidaasi darteed aysan aqoon saneen , balse keliya ay aqoon santahay Dastuurkii Soomaali heshiiska ku aheyd ee 2012. Madaxweynaha Puntland ayaa u mahadceliyay Xildhibaannada Puntland ku…
Kooxo hubeysan ayaa maanta degmada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay Guddoomiye Ku-xigeenkii degmada Kurtunwaarey, marxuum Muxudiin Khaliif Caliyow. Wararka hordhaca ah ee laga helayo goobta ayaa sheegaya in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen marxuumka, iyagoo rasaas ku furay xilli uu ku sugnaa gudaha degmada Buulo Mareer. Guddoomiye ku-xigeenka ayaa la sheegay inuu halkaasi ku geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaasta. Kooxdii falka geysatay ayaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen isla markiiba kadib weerarka, mana jirto illaa iyo hadda cid si rasmi ah loo tuhunsan yahay ama sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi. Laamaha ammaanka ee dowladda ayaa bilaabay baaritaanno…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu berri safar rasmi ah ku tago dalka Jabuuti, safar la sheegay inuu qaadan doono muddo laba maalmood ah, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo rasmi ah. Inta uu ku sugan yahay Jabuuti, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho dhiggiisa dalkaas, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyo sidoo kale madax kale oo ka tirsan dowladda Jabuuti. Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo sidoo kale arrimo kale oo la xiriira iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta gobolka. Safarkan ayaa…
Mas’uuliyiinta Maamulka Somaliland ayaa sheegay in nidaamka E-visa ee ay hirgelisay Dowladda Federaalka Soomaaliya uu dhibaato ku hayo dadka u safraya deegaannadaasi ee ka yimaada dalka dibaddiisa. Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Garoomada ee Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux, ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in dadka ajaanibta ah ee doonaya inay tagaan deegaannadooda ay marka hore ka dalbadaan fiisaha dowladda federaalka Soomaaliya, balse marka ay yimaadaan garoomada ku yaalla deegaannadaasi looga baahan yahay fiiso kale oo ay bixiyaan maamulka halkaas ka jira. Wasiirku wuxuu tilmaamay in arrintan ay culays dheeraad ah ku hayso dadka safarka ah, maadaama ay qasab ku noqoto…
Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha dalka Djibouti oo xukunka hayay tan iyo sanadkii 1999, ayaa si rasmi ah u gudbiyay codsigiisa musharaxnimo ee doorashada madaxtinimada dalkaasi, taas oo la qorsheeyay inay qabsoonto bisha Abriil. Dukumentiyada uu musharaxnimadiisa ku gudbiyay ayuu Isniintii u dhiibay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, taasoo ka dhigeysa inuu mar lixaad u tartamayo xilka ugu sarreeya ee dalka. Hoggaamiyahan oo 77 jir ah ayaa sanadkii hore wax ka beddelay dastuurka, isagoo meesha ka saaray xadka da’da musharraxiinta ee ahaa 75 sano. Isbeddelkan ayaa u suurageliyay inuu markale u tartamo xilka madaxtinimada. Sidoo kale sanadkii 2010 ayuu wax ka beddel ku…