LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Somaliland oo ka cabanaysa Nidaamka E-Visa ee Dowladda Soomaaliya

Mas’uuliyiinta Maamulka Somaliland ayaa sheegay in nidaamka E-visa ee ay hirgelisay Dowladda Federaalka Soomaaliya uu dhibaato ku hayo dadka u safraya deegaannadaasi ee ka yimaada dalka dibaddiisa.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Garoomada ee Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux, ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in dadka ajaanibta ah ee doonaya inay tagaan deegaannadooda ay marka hore ka dalbadaan fiisaha dowladda federaalka Soomaaliya, balse marka ay yimaadaan garoomada ku yaalla deegaannadaasi looga baahan yahay fiiso kale oo ay bixiyaan maamulka halkaas ka jira.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in arrintan ay culays dheeraad ah ku hayso dadka safarka ah, maadaama ay qasab ku noqoto inay laba jeer dalbadaan fiiso. Wuxuu sidoo kale sheegay in maamulka ay xiriir la sameeyeen qaar kamid ah dowladaha caalamka ee aqbalay nidaamka E-visa, si xal loogu helo arrintan loogana fududeeyo dadka rayidka ah ee safarka ku jira.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u maamusha hawada dalka, waxayna bixisaa nidaamka E-visa oo ay codsadaan dadka wata baasaboorrada ajaanibta ah ee doonaya inay soo galaan Soomaaliya.

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa muddo dheer ku howlan dadaallo ay ku doonayaan inay ku gaaraan gooni isu taag, hase yeeshee ilaa hadda ma helin aqoonsi caalami ah.

Dhanka kale, dhammaadkii bishii Diseembar ee sanadkii hore, Israa’iil ayaa sheegtay inay aqoonsatay maamulkaasi Somalilamd, arrin si weyn uga hor timid Dowladda Soomaaliya iyo dowlado badan oo caalamka ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *