Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Lix Urur oo ka tirsan ciidamada Puntland ee ka qayb galay dagaalladii Calmiskaad ayaa gadood ka sameeyay kadib markii ay waayeen ballanqaadyo ay horay u heleen. Ballanqaadyadaasi waxaa ka mid ahaa dalacsiin, abaal-marin, iyo dayactirka gaadiidkoodii burburay. Ciidamadu waxay madaxweynaha ka codsadeen in ballanqaadyadii la fuliyo, hase yeeshee, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa amray in lagu xareeyo tababar, arrintan oo horseeday gadoodka ciidamada. Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in mashquulka siyaasadeed ee madaxweynaha, gaar ahaan ka qaybqaadashada arrimaha Soomaaliya iyo marti-gelinta shirka mucaaradka, ay ka mashquulisay xalinta arrimaha gudaha iyo tixgelinta ciidamada soo halgamay. Madaxtooyada Puntland ayaa ilaa iyo hadda…
Bajaajleyda ka shaqeeya magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay bannaanbax weyn oo ay uga cabanayaan kororka lagu sameeyay qiimaha shidaalka, kaas oo ay sheegeen in uu saameyn weyn ku yeeshay shaqadooda. Darawallada bajaajta ayaa sheegay in ganacsatada shidaalka ay si lama filaan ah u kordhiyeen qiimaha, taasoo ku keentay culays dhaqaale oo saameeyay howlahooda maalinlaha ah. Bajaajleyda ayaa tilmaamay in sababta kororka qiimaha shidaalka lagu sheegay inay la xiriirto dagaallada ka socda Bariga Dhexe, kuwaas oo saameyn ku yeeshay suuqyada shidaalka. Sidoo kale darawallada ayaa ku dhawaaqay in ay qaban doonaan bannaanbax ballaaran maalinta Khamiista, iyagoo sheegay in inta bannaanbaxu socdo…
Wiil dhalinyaro ah ayaa ku geeriyooday qarax ka dhacay qashin uu far-fareynayay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in wiilka uu isku dayayay inuu kala saaro ama baaro qashin yaallay meel ka mid ah magaalada, xilli uu si lama filaan ah uga dhex qarxay walxo ku jiray qashinkaasi, taasoo sababtay dhimashadiisa. Dadka deegaanka oo durba ku soo baxay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in meydka wiilka la aqoonsaday, isla markaana ay socdaan dadaallo lagu baadi-goobayo ehelkiisa si loogu wargeliyo dhacdadaasi. Sidoo kale waxaa la tilmaamay in…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka ciidamo hor leh ku xoojisay howlgalka ay Ciidamada Xoogga Dalka ka wadaan deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno katirsan Al-Shabaab, balse dowladdu ay dooneyso inay dib ula wareegto degaankaas. Wararka laga helayo furimaha hore ee dagaalka ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan Ciidanka Melletariga Soomaaliya saaka lagu biiriyay ciidamada horey uga waday dhaq-dhaqaaqyada milatari duleedka deegaanka Xawaadleey, kuwaas oo wada qorshe lagu doonayo in lagu xoreeyo deegaannada ay ku sugan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab. Ilo wareedyo amni ayaa tilmaamaya in kooxda Al-Shabaab ay godad iyo difaacyo ka qodatay gudaha…
Diyaarado dagaal ayaa duqeymo culus ka fuliyay xerada tababarka Al-Shabaab ee lagu magacaabo Sheekh Maxamed Raage, taas oo ku taalla degaanka Dumaaye, qiyaastii 25 KM dhanka degmada Xaradheere kaga beegan Koofurta Gobolka Mudug. Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya in xilliga duqeynta ay ka socotay xerada ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo halkaasi ku qaadanayay tababarro militari. Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay duqeynta, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya oo arrintan ku saabsan. Goobta hadda loo adeegsado xerada tababarka ayaa markii hore ahayd xarun diimeed oo…
Ciidamo isugu jira Daraawiishta iyo Nabadsugidda Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ku dhow deegaanka Kudhaa ee Degmada Badhaadhe, Gobolka Jubada Hoose, waxaana howlgalkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Howlgalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada iskaashanaya ay weerar ku qaadeen goobo la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab, sida ay sheegeen ilo kala duwan oo ku sugan gobolka. Saraakiil ka tirsan Jubbaland oo si hordhac ah uga hadlay howlgalka ayaa sheegay in bartilmaameedkii la beegsaday la gaaray, isla markaana khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab intii uu socday dagaalka. Sidoo kale saraakiishu waxay tilmaameen in…
Villa Soomaaliya ayaa caalamka u sheegtay in Dastuurka Cusub lagu daray aragtiyo siyaasadeed oo uu ku daray wada-tashiyadii lagu sameeyay dastuurka madaxweynihii hore ee dalka Sheikh Sharif Sheikh Ahmed. Afhayeenka madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa maqaal uu shalay ku qoray shabakadda Al Jazeera Media Network kaga hadlay ansixinta dastuurka, wuxuuna cinwaan uga dhigay: “Qalinkii waa la rafacay, dastuurkiina waa ansax.” Qeyb ka mid ah qormadiisa ayuu kaga hadlay sida dastuurkan ay Soomaalidu isugu raacsan tahay, isagoo yiri: “Mid ka mid ah astaamaha ugu mudan ee guushan ayaa ah inaysan ka dhalan go’aan hal dhinac ah, balse ay tahay mid ka…
Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Towfiiq Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa soo saaray qoraal uu ku bogaadiyey tallabadii labada aqal ee Baarlamaanka JFS ay ku ansixiyeen dastuurka dalka iyo saxiixa dastuurka ee Madaxweynaha JFS. “Tallaabada taariikhiga ah ee lagu meel mariyay dastuurka Soomaaliya loogana gudbay magicii dastuur ku meel gaar ah, waxay Soomaliya u furtay waddo cusub oo ka turjumaysa dhismaha dowladnimadda Soomaaliya iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Sheekh Shaakir. Qoraalka Sheekh Shaakir ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan hambalyo u dirayaa madaxda dowlada iyo labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, sida geesinimada leh ee ay uga soo shaqeeyeen in…
Dadka ku dhaqan deegaanno ka tirsan gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanka Jowle iyo tuulooyinka ku xeeran, ayaa sheegay in habeenkii xalay ay arkeen diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulaya kuwaas oo cabsi ku abuuray shacabka deegaanka. Sida ay sheegeen dadka deegaanka, diyaaradaha ayaa markii ugu horreysay la arkay gelinkii dambe ee shalay, waxaana ay dul heehaabayeen ilaa saqdii dhexe ee habeenkii xalay. Inkastoo aysan jirin wax duqeyn ah oo ay fuliyeen, haddana joogitaankooda ayaa keenay cabsi iyo walaac soo foodsaaray dadka ku nool halkaas. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Yoolbaar Media ayaa sheegay in diyaaradahaasi si gaar…
Markabka sahminta iyo qodista shidaalka ee lagu magacaabo Çagri Bey, kaas oo ay leedahay dowladda Turkiga isla markaana ka mid ah maraakiibta loo qorsheeyay inay ka shaqeeyaan shidaalka Soomaaliya, ayaa soo gaaray dalka Namibia ee ku yaalla galbeedka qaaradda Afrika. Wararka la helayo ayaa sheegaya in markabkan uu haatan ku sugan yahay xeebaha Namibia, isaga oo kusoo wajahan biyaha Soomaaliya, halkaas oo la filayo inuu ka billaabo howlaha qodista iyo sahminta shidaalka ee ku jira badda Soomaaliya. Markabka Çagri Bey ayaa ah mid ka mid ah maraakiibta casriga ah ee loo adeegsado baaritaanka iyo qodista shidaalka badda hoosteeda, waxaana la…