Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan dalka Jabuuti, xilli doorashooyin ay dhacayaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu berri safar rasmi ah ku tago dalka Jabuuti, safar la sheegay inuu qaadan doono muddo laba maalmood ah, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo rasmi ah.
Inta uu ku sugan yahay Jabuuti, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho dhiggiisa dalkaas, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyo sidoo kale madax kale oo ka tirsan dowladda Jabuuti. Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo sidoo kale arrimo kale oo la xiriira iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta gobolka.
Safarkan ayaa imanaya xilli labada dal ay wajahayaan xaalado siyaasadeed oo muhiim ah, iyadoo madaxda Soomaaliya iyo Jabuuti labaduba ay ku wajahan yihiin doorashooyin.
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa la filayaa inuu mar kale u tartamo doorashada madaxtinimada ee lagu wado inay ka dhacdo dalkaas bisha April. Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay muddo sanad dheeri ah kadib wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka, inkastoo weli ay taagan tahay sida ay u hirgeli doonto hannaanka doorashooyinka ee dalka.









