Puntland oo markale ku dhawaaqday go’aan ka dhan ah Dastuurka waxka-bedelka lagu sameeyay

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa caawa kulan afur iyo wadatashi ah la qaatay Goleyaasha Xukuumadda Puntland iyo Xildhibaannada Puntland ku metela Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan Garoowe .
War kasoo baxay kulankaas ayaa lagu sheegay in Puntland ay markale ku celisay in Dastuurka sida sharci darada ah lagu bedelay ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sameystay, aysan Puntland qeyb ka aheyn, sidaasi darteed aysan aqoon saneen , balse keliya ay aqoon santahay Dastuurkii Soomaali heshiiska ku aheyd ee 2012.
Madaxweynaha Puntland ayaa u mahadceliyay Xildhibaannada Puntland ku metela Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ee qaatay go’aan taariikhi ah iyo metelaad ay ku difaaceen in la bedelo Dastuurkii Soomaali Heshiiska ku aheyd.
Kulanka waxaa ka qeybagalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), Xildhibaannada Puntland ku metela Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Goleyaasha Puntland.









