Mareykanka oo liiska Argagaxisada ku daray Urur Caan ka ah Caalamka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa shaacisay in ururka Ikhwaanul Muslimiinka ee Sudan lagu daray liiska ururrada argagixisada, iyadoo lagu eedeeyay inuu ku lug leeyahay falal rabshado iyo tacadiyo ka dhacay dalka Sudan.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in ururka uu taageero ka helo dowladda Iiraan, gaar ahaan ciidanka loo yaqaan Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC).
Mareykanka ayaa sheegay in xiriirkaas uu qayb ka yahay taageero dhaqaale iyo mid militari oo la sheegay in lagu hurinayo rabshadaha ka socda Sudan.
Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in ururka lagu eedeeyay inuu door ku leeyahay colaadaha iyo xadgudubyada ka dhanka ah shacabka rayidka ah ee Sudan, kuwaas oo sii hurinaya xasillooni darrada ka taagan dalka.
Go’aanka Mareykanka ayaa ka dhigan in la xayiro hantida ururka ee ku jirta Mareykanka, isla markaana muwaadiniinta Mareykanka laga mamnuucay inay la macaamilaan ama taageero siiyaan ururkaas.
Sudan ayaa muddooyinkii dambe wajahaysay xaalad amni oo adag iyo colaado u dhexeeya kooxo hubeysan, taas oo saameyn weyn ku yeelatay shacabka iyo xasilloonida guud ee dalka.









