LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Guddoomiye Ku-xigeenkii degmada Kurtunwaarey oo toogasho lagu dilay

Kooxo hubeysan ayaa maanta degmada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay Guddoomiye Ku-xigeenkii degmada Kurtunwaarey, marxuum Muxudiin Khaliif Caliyow.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo goobta ayaa sheegaya in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen marxuumka, iyagoo rasaas ku furay xilli uu ku sugnaa gudaha degmada Buulo Mareer. Guddoomiye ku-xigeenka ayaa la sheegay inuu halkaasi ku geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaasta.

Kooxdii falka geysatay ayaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen isla markiiba kadib weerarka, mana jirto illaa iyo hadda cid si rasmi ah loo tuhunsan yahay ama sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi.

Laamaha ammaanka ee dowladda ayaa bilaabay baaritaanno ku aaddan sida uu weerarku u dhacay iyo cidda ka dambeysa, iyadoo la filayo in faahfaahin dheeraad ah laga helo saacadaha soo socda.

Dilkan ayaa kusoo beegmaya xilli mararka qaar weerarro noocan oo kale ah ay ka dhacaan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *