Cabsi soo wajahday muwaadiniinta Mareykanka ee ku nool Jabuuti & digniin soo baxday

Safaaradda Mareykanka ee ku taalla Jabuuti ayaa soo saartay digniin amni oo ku socota muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan dalkaas, iyadoo sabab uga dhigtay xiisadaha ka jira gobolka Bariga Dhexe iyo hanjabaado loo jeediyay danaha Mareykanka.
Safaaradda ayaa sheegtay in badbaadada muwaadiniinta Mareykanka ay tahay mudnaanta koowaad ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, iyo guud ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.
Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti waxay sheegtay in:
Dhammaan ballamihii caadiga ahaa ee adeegyada qunsuliyadda la joojiyay.
Shaqaalaha safaaradda la yareeyay joogitaankooda gudaha safaaradda.
Si kastaba ha ahaatee, safaaraddu weli way shaqaynaysaa si ay u bixiso adeegyada degdegga ah ee muwaadiniinta Mareykanka.
Safaaradda waxay muwaadiniinteeda ku boorisay inay qaadaan tallaabooyinka soo socda:
La socda wararka gudaha iyo kuwa caalamka, gaar ahaan BBC Radio FM 99.5 MHz.
Ka feejignaada fariimaha digniinta ee SMS-ka ee ay diraan shirkadaha isgaarsiinta ee Jabuuti.
Feejignaan dheeraad ah muujiya oo si joogto ah u eegaan xaaladda ku hareeraysan.
Ka fogaada meelaha ay ka muuqato ammaan la xoojiyay ama ay ka dhacayaan isu soo baxyo waaweyn.
Dib u eegaan qorshahooda amni ee gaarka ah.
Mar walba ha wataan aqoonsi sax ah.
Iyo inay raacaan ogeysiisyada rasmiga ah ee ka imanaya dowladda Jabuuti iyo Safaaradda Mareykanka.









