LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Darawalada Mootooyinka Bajaajka oo looga digay inay bannaanbax ka dhigaan Muqdisho

Guddiga Mootooleeyda Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in aanay jirin wax bannaanbax ah oo ay qabanayaan wadayaasha mootooyinka Bajaajta ee ka shaqeeya Magaalada Muqdisho, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay ka cabanayay sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka.

Afhayeenka Guddiga Mootooleeyda Gobolka Banaadir, Ibraahim Nuur Maxamed (Afguduud), oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in wararka sheegaya in darawallada Bajaajta ay qabanayaan bannaanbax aysan waxba ka jirin.

Ibraahim Afguduud ayaa tilmaamay in wadayaasha mootooyinka Bajaajta iyo guud ahaan muwaadiniinta shaqeysta aysan qorsheynayn wax bannaanbax ah oo ka dhacaya Muqdisho, isaga oo sheegay in qofkii isku daya in Magaalada Muqdisho uu bannaanbax ka dhigo ay hay;adaha amniga tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan waa sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka uusan ka imaan dowladda ama maamulka, balse uu la xiriirayo xaaladaha ka taagan Bariga Dhexe, gaar ahaan colaadaha ka socda halkaasi oo saameyn ku yeeshay suuqyada shidaalka.

Dhanka kale, Guddiga Mootooleeyda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in cabashada darawallada Bajaajta ay horay ugu gudbiyeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kaas oo u ballan qaaday in uu arrinta kala hadli doono ganacsatada shidaalka.

Guddiga ayaa ugu dambeyn ugu baaqay ganacsatada inay joojiyaan kororka joogtada ah ee lagu sameynayo qiimaha shidaalka, si loo yareeyo culeyska dhaqaale ee saaran darawallada Bajaajta iyo bulshada kale ee adeegsata gaadiidkaas.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *