Walaac laga muujiyay xaaladda dalka & baaq loo diray Dowladda & mucaaradka

Dalladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee SONSA (Somalia Non-State Actors) ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed ay ku baaqayso in si degdeg ah dib loogu bilaabo wada-hadallada siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada, si xal loogu helo khilaafaadka ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka dalka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xaaladda siyaasadeed ee dalka ay u baahan tahay wada-tashi iyo isfahan si looga fogaado xiisado sii kordha oo saameyn ku yeelan kara xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya. Bulshada rayidka ayaa adkeysay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyadu u hoggaansamaan dastuurka dalka, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta khilaafaadka siyaasadeed.
SONSA ayaa sidoo kale ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha kale ee ay khuseyso si wax looga qabto abaaraha ba’an ee saameeyay qaybo badan oo dalka ka mid ah.
Dalladdu waxay sheegtay in loo baahan yahay dadaal mideysan oo lagu taageerayo bulshada ay dhibaatadu saameysay.
War-saxaafadeedka waxaa sidoo kale lagu dhiirrigeliyay dhammaan dhinacyada siyaasadda in ay muujiyaan mas’uuliyad iyo tanaasul si loo gaaro xal waara oo ku saleysan wada-hadal iyo is-afgarad.
Ugu dambeyn, Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqday hoggaamiyeyaasha siyaasadda in ay mudnaanta siiyaan danta guud iyo midnimada dalka, si loo xaqiijiyo xasillooni siyaasadeed iyo mustaqbal wanaagsan oo ay helaan shacabka Soomaaliyeed.
Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka.










