DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweynaha Jabuuti oo markii Lixaad tartamaya, xilli uu awood ku heysto….

Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha dalka Djibouti oo xukunka hayay tan iyo sanadkii 1999, ayaa si rasmi ah u gudbiyay codsigiisa musharaxnimo ee doorashada madaxtinimada dalkaasi, taas oo la qorsheeyay inay qabsoonto bisha Abriil.

Dukumentiyada uu musharaxnimadiisa ku gudbiyay ayuu Isniintii u dhiibay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, taasoo ka dhigeysa inuu mar lixaad u tartamayo xilka ugu sarreeya ee dalka.

Hoggaamiyahan oo 77 jir ah ayaa sanadkii hore wax ka beddelay dastuurka, isagoo meesha ka saaray xadka da’da musharraxiinta ee ahaa 75 sano. Isbeddelkan ayaa u suurageliyay inuu markale u tartamo xilka madaxtinimada.

Sidoo kale sanadkii 2010 ayuu wax ka beddel ku sameeyay qodobka dastuurka ee xaddidayay muddada uu qofku xilka madaxweyne ka noqon karo, kaas oo hore u oggolaa laba xilli oo kaliya.

Haddii uu ku guuleysto doorashada soo socota, Madaxweyne Geelle wuxuu xukunka hayn doonaa in ka badan 32 sano, taas oo ka dhigi karta mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu muddada dheer xukunka qaaradda Afrika.

Doorashada madaxtinimada Jabuuti ee la filayo inay dhacdo bisha Abriil ayaa si weyn isha loogu hayaa, iyadoo la eegayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalkaasi iyo doorka uu Geelle ku sii yeelan karo hoggaaminta Jabuuti.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *