Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Taliyaha xarunta milatari ee Khatam al-Anbiya, Sarreeye Guud Cali Cabdullaahi, ayaa sheegay in Mareykanka iyo Israa’iil aysan mar dambe awood u yeelan doonin inay weerar ku qaadaan Iiraan xilli ay iyagu doortaan, islamarkaana ay si fudud ku soo afjaraan dagaal kasta. Sida ay baahisay warbaahinta Al Jazeera, taliyaha ayaa sheegay in xaaladda gobolka ay is beddeshay, isla markaana Iiraan ay diyaar u tahay inay si buuxda uga jawaabto weerar kasta oo lagu qaado. Wuxuu xusay in Tehran ay hadda awood u leedahay inay go’aamiso jihada iyo muddada dagaal kasta oo dhaca. “Mareykanka iyo Israa’iil mar dambe ma awoodi doonaan inay…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa diiday in la bilaabo qaybinta kaararka cod-bixinta ee deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli uu dalka Sacuudi Carabiya ka socdo shir xasaasi ah oo ay ka qaybgalayaan madaxda dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle. Wararka ayaa sheegaya in shirkaasi diiradda lagu saarayo arrimaha doorashooyinka dalka iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya. Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in tallaabada uu qaaday Madaxweyne Lafta-gareen ay la xiriirto khilaafyo ka taagan habka loo wajahayo doorashooyinka soo socda iyo arrimaha awood…
Kooxda Al-Shabaab ayaa sii wada dilalka ay u geysanayaan dadka ay ku eedeynayaan inay xiriir la leeyihiin sirdoonka Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka. Dilkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo shan ruux lagu toogtay fagaare. Sida ay sheegtay Al-Shabaab, raggan ayaa lagu eedeeyay inay ka qeyb qaateen hagidda duqeymo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda, taasoo sababtay khasaare soo gaaray. Boqolaal kamid ah shacabka ku nool degmada Saakow ayaa isugu yimid goobta lagu toogtay raggan, kadib markii ammar kasoo baxay Al-Shabaab lagu faray inay goob joog ka noqdaan fulinta xukunka. Ragga la toogtay ayaa…
Laamaha ammaanka Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in uu gacan adag ku qabanayo Kooxo hubaysan oo la shaaciyay in ay dhac u gaystaan qoysaska ka barakacay abaarta ka jirta deegaanno katirsan Gobolka Hiiraan ee Dowlad-Goboleedka HirShabeelle. Saraakiil katirsan Ciidanka Booliiska ee Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in mas’uuliyad wayn ka saaran tahay wax u qabashada qoysaska barakacay ee xaaladaha adag wajahaya si loogu ilaaliyo kaalmada kooban ay helaan. Dhanka kale Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowlad-Goboleedka HirShabeelle ayaa sheegay in ay gacan qabanayaan qoysaska ku dhibaataysan deegaanka Ceel Jaalle, waxaana uu intaas ku daray in ay la kaashanayaan cid weliba oo qayb ka…
Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in Mojtaba Khamenei, oo lagu tilmaamay hoggaamiyaha sare ee cusub ee dalka, uu dhaawac kasoo gaaray dagaalka ka socda Iran. Telefishinka rasmiga ah ee dowladda ayaa baahiyay warbixin sheegaysa in Mojtaba Khamenei uu dhaawacmay xilli uu socday weerar militari oo lagu qaaday goob uu ku sugnaa. Warbixinta ayaa tilmaantay in dhaawaca uu ka dhashay weerar la rumeysan yahay in markii hore lagu bartilmaameedsaday aabihiis, hoggaamiyaha sare ee Iran Ali Khamenei. Sida lagu sheegay warbaahinta dowladda, weerarkaasi ayaa sababay khasaare kale oo dhimasho ah. Waxaa la sheegay in hooyada Mojtaba Khamenei iyo xaaskiisa ay ku dhinteen…
Wararka ka imanaya degmada Buurhakaba ee gobolka Bay ayaa sheegaya in maamulka degmada uu bilaabay abaabul iyo hubeyn ciidamo cusub oo ka tirsan deegaanka, xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya degmada iyo maamulka Maamulka Koonfur Galbeed. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in masuuliyiinta degmada ay wadaan qorshe lagu xoojinayo ciidamo deegaanka ah, iyadoo dhaqdhaqaaqyo ciidan lagu arkayo qaybo ka mid ah Buurhakaba maalmahan. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in la bilaabay abaabul iyo diyaarinta dhalinyaro cusub oo lagu darayo ciidanka. Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli ay sii xoogaysanayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya maamulka Buurhakaba iyo madaxda maamulka…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah Mareykanka ee (AFRICOM), Maj. Gen. Claude K. Tudor Jr., iyo wafdi uu hoggaaminayay oo booqasho ku tegayMagaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, dardargelinta wada shaqeynta la-dagaallanka Al-Shabaab, iyo taageerada howlgalada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada Jubaland. Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM ayaa bogaadiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Kumaandooska Danab ee ka howlgala Jubaland, kuwaas oo lagu jabiyay Al-Shabaab lagana gaaray guulo wax…
Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Karkaar ee Maamulka Puntland, Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay in Puntland ay qorsheyneyso inay diyaariso ciidamo loo soo dirayo magaalada Muqdisho si ay uga hortagaan waxa uu ku tilmaamay damaca Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Taliyaha ayaa hadalkan ka jeediyay kulan looga soo horjeeday wax ka beddelka dastuurka, halkaas oo uu ka sheegay in shacabka ku nool Muqdisho ay ka qabanayaan Madaxweynaha haddii uu isku dayo inuu sameeyo muddo kororsi. Xuseen Cali Maxamuud ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay qorsheyneyso doorasho ka dhacda Muqdisho iyo gobollada kale oo ay suuragal tahay inuu dhiig ku daato.…
Dowladda Faransiiska ayaa si rasmi ah uga codsatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in la qabto kulan degdeg ah oo looga arrinsanayo xaaladda sii xumaaneysa ee dalka Lubnaan, kaddib markii ay sare u kaceen xiisadaha militari iyo amni ee ka jira Bariga Dhexe. Codsiga Faransiiska ayaa yimid iyadoo ay jirto cabsi sii kordheysa oo laga qabo in colaadaha gobolka ay si toos ah u saameeyaan Lubnaan, gaar ahaan iyadoo ay socdaan weerarro is-dhaafsi ah oo u dhexeeya Israel iyo kooxda Hezbollah ee fadhigeedu yahay Lubnaan. Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in xaaladda hadda taagan ay khatar ku tahay nabadda iyo xasilloonida…
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in ay si weyn uga walaacsan yihiin wararka la xiriira isku day kasta oo lagu kordhinayo muddada xilka hay’adaha dowladda Federaalka ama wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka si ka baxsan nidaamka sharciga ah. Goluhu wuxuu xusay in muddada xilka Baarlamaanka Federaalka ay ku eg tahay 14-ka Abriil 2026, halka muddada xilhaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay dhammaanayso 15-ka May 2026, sida uu dhigayo Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee la ansixiyay sanadkii 2012. War-saxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay in dastuurku si cad u qeexayo habraacyada lagu maamulo muddo-xileedyada hay’adaha dowladda, isla markaana…