LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dagaal xoogan oo ka dhacay Xawaadleey iyo Ciidamada dowladda oo ku dhow inay la wareegaan

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay agagaarka deegaanka Xawaadleey ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahanno katirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen nawaaxiga deegaanka Xawaadleey. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana jugta rasaasta iyo madaafiicda laga maqlayay deegaanno ka tirsan agagaarka Xawaadleey.

Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay khasaaro gaarsiiyeen Al-Shabaab intii uu socday dagaalka, ayna sii wadaan howlgallada ka dhanka ah kooxda. Saraakiisha ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamada dowladda ay ku dhow yihiin inay si buuxda ula wareegaan deegaanka Xawaadleey.

Maalmihii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo farabadan geysay agagaarka Xawaadleey, iyadoo halkaasi ay ka wadaan abaabul iyo dhaqdhaqaaqyo militari. Deegaanka Xawaadleey ayaa leh muhiimad istaraatiiji ah maadaama uu ku yaalla wadada isku xirta degmada Balcad iyo magaalada Jowhar, taas oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka ee gobolka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *