Duqeyn lala beegsaday horjoogayaal katirsan Al-Shabaab & khasaaro la gaarsiiyay

Duqeyn dhinaca cirka ah ayaa ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay maamulaan kooxda Al-Shabaab, iyadoo la sheegay in khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay kooxdaas.
Duqeynta ayaa la tilmaamay in lala beegsaday guri uu shir uga socday horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen masuuliyiin sare oo uu ka mid yahay nin lagu sheegay guddoomiyaha degmada Maxaas ee kooxda u qaabilsan.
Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in duqeynta lagu gaarsiiyay Al-Shabaab khasaare xooggan, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarkaasi.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in duqeyntan ay kusoo beegmeyso xilli habeen ka hor la duqeeyay xero tababar oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen agagaarka deegaanka Dumaayo ee gobolka Mudug, taas oo sidoo kale lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda.
Ilo amni ayaa tilmaamaya in duqeymahan ay qeyb ka yihiin howlgallo cirka ah oo lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee gobollada bartamaha Soomaaliya.









