LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweynaha Jubbaland oo kulamo xasaasi ah ka wada Magaalada Nairobi

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Ahxed Maxamed Islam Madobe ayaa caawa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qabtay kulan afur ah oo uu la yeeshay xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda degaannada Jubaland oo ku sugan halkaasi.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda Somalia iyo jihada la filayo in ay qaadaan hoggaamiyeyaashaSoomaalida marka ay soo dhammaato bisha barakeysan ee Ramadan. Wararka laga helayo kulanka ayaa tilmaamaya in sidoo kale la isla soo qaaday arrimo la xiriira ammaanka, siyaasadda guud ee dalka iyo doorka Jubaland ku leedahay marxaladaha soo socda.

Axmed Maxamed Islam Madobe oo muddooyinkii u dambeeyay ku mashquulsanaa howlgallo ka dhan ah kooxaha Al-Shabaab, iyo sidoo kale dadaallo gurmad ah oo la xiriira abaaraha saameeyay qaybo ka mid ah gobolka degaannada Mamaulkaasi Jubbaland.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaxweynaha uu muddo sii joogi doono magaalada Nairobi, halkaas oo la filayo inuu kulamo siyaasadeed la yeesho mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.

Ahmed Mohamed Islam Madobe ayaa xiriir siyaasadeed oo dhow la leh dowladda Kenya, waxaana la filayaa in kulamada uu la yeelan doono mas’uuliyiinta dalkaasi ay diiradda saari doonaan arrimaha amniga, iskaashiga labada dhinac iyo xaaladda guud ee siyaasadda gobolka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *