LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Soomaaliya oo Mareykanka u dirtay wafdi uga qeyb galaya Shir Caalami ah

Wefdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka ambabaxay dalka, iyagoo ku sii jeeda dalka Mareykanka.

Wefdiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya, iyo sidoo kale xubno kale oo ka tirsan saaxiibada dhow ee Madaxweynaha Soomaaliya.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegay in safarka wefdigan uu la xiriiri karo shirar iyo kulamo ka dhici doona Mareykanka, kuwaas oo diiradda lagu saarayo arrimo ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca shidaalka iyo macdanta.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulamada la filayo ay dhex mari doonaan mas’uuliyiinta wefdiga iyo qaar ka mid ah shirkado iyo hay’ado daneeya maalgashiga iyo sahminta kheyraadka Soomaaliya.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo si faahfaahsan uga hadlaya ujeedka rasmiga ah ee safarka wefdigan ama ajendaha kulamada ay ka yeelanayaan Mareykanka.

Safarkan ayaa imanaya xilli dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto soo jiidashada maalgashi caalami ah oo lagu horumarinayo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *