LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Duqeyn ka dhacday saldhigyada Kooxda Daacish ee Puntland iyo khasaaaro lagu gaarsiiyay

Ciidamada Mareykanka ee hoos yimaada Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish oo fariisimo ku leh togga Baallade ee buuraha Calmiskaad, gobolka Bari.

War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay ka dhacday meel qiyaastii 70 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso. Taliska AFRICOM ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi.

AFRICOM ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka uu ka dhacay iskaashi ay la leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. Waxay xuseen inay sii wadi doonaan dadaallada lagu wiiqayo awoodda ISIS-Somalia si looga hortago khatar ay ku yeeshaan gudaha Mareykanka, ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan dibadda.

Duqeyntan ayaa kusoo beegmeysa xilli maamulka Puntland uu hoos u dhigay howlgaladii militari ee ka socday buuraha Calmiskaad, kadib markii ciidamada halkaas kula dagaallamayay kooxda Daacish dib looga soo saaray.

Maamulka Puntland ayaa hore u sheegay in xubno firxad ah oo ka tirsan Daacish ay weli ku go’doonsan yihiin buuraha Calmiskaad, isla markaana laga jaray sahaydii ay ka heli jireen dad si qarsoodi ah u taageeri jiray, kuwaas oo u gudbin jiray raashin iyo xoolo.

Mareykanka ayaa muddo ka badan sanad taageero dhinaca duqeymaha cirka iyo xogaha sirdoonka ah siiyay Puntland, si loo wiiqo awoodda kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *