Dagaal uu ku geeriyooday Nin la dhashay xildhibaan Xaadoole oo ka dhacay…

Dagaal sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa galabta ka dhacay deegaanka Xagaaydegay oo hoostaga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyay ciidamo ay kala wateen nin lagu magacaabo Muuse Xaadoole, oo la dhashay Xildhibaan Ismaan Xaadoole, iyo mid ka mid ah guddoomiye-waaxeedyada degmada Warsheekh.
Wararka la helayo ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan afar qof ay ku geeriyoodeen dagaalka, kuwaas oo uu ku jiro Muuse Xaadoole. Sidoo kale waxaa jira tiro kale oo ka badan oo ku dhaawacantay iskahorimaadka, kuwaas oo qaarkood loo qaaday goobaha caafimaadka ee ku dhow deegaanka.
Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma caddeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dagaalka, waxaana weli socda uruurinta faahfaahinta ku saabsan sida uu u bilaabmay iska horimaadka.
Dhanka kale, maamulka degmada Warsheekh ayaan weli wax war ah kasoo saarin dhacdada, iyagoo ka gaabsaday inay si rasmi ah uga hadlaan dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay.
Deegaanka ay wax ka dhaceen ayaa haatan la sheegayaa inuu ka jiro xiisad, inkastoo la soo wariyay in dadaallo lagu doonayo in lagu dejiyo xaaladda ay socdaan.









