LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda oo xir xirtay Bajaajlayaal bannaanbax ka dhigayay Muqdisho

Darawalada mootooyinka Bajaajta ayaa maanta bannaanbax ka dhigay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, iyagoo ka cabanaya sare u kaca joogtada ah ee qiimaha shidaalka.

Bannaanbaxa ayaa inta badan ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama, oo kamid ah wadooyinka ugu mashquulka badan ee caasimadda. Darawalada ayaa halkaasi ku muujinayay sida ay uga walaacsan yihiin qiimaha shidaalka oo si joogto ah u kordhaya maalmahan.

Ciidamada Booliska ayaa rasaas ku kala eryay bannaanbaxayaasha kadib markii darawalada ay xireen Isgoyska Taleex, taas oo sababtay in hakad ku yimaado isu socodka gaadiidka ee aaggaasi.

Sida ay sheegeen goobjoogayaal, ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale xir xiray qaar kamid ah horjoogayaasha bannaanbaxa, kuwaas oo loo taxaabay saldhigyada booliska ee degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa saacado kooban kacsaneyd, iyadoo darawalada Bajaajta ay muujinayeen cabasho xooggan oo la xiriirta kororka qiimaha shidaalka.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa qiimaha shidaalka ee Muqdisho si weyn u kordhay, iyadoo halkii litir hadda lagu iibiyo inta u dhaxeysa 1.5 ilaa 2 doolar, arrintaas oo si toos ah u saameysay darawalada gaadiidka yar yar ee Bajaajta ku shaqeysta.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ama dowladda oo ku aaddan cabashada darawalada iyo tallaabooyinka laga qaadi karo qiima kororka shidaalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *