Farmaajo oo War kasoo saaray xarig loo geystay Darawalada Mootooyinka Bajaajka baaqna u diray Dowladda

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa si kulul u cambaareeyay tacaddiyada iyo xarigga loo geystay darawallada bajaajka ee magaalada Mogadishu, kuwaas oo maanta bannaanbax ka dhigay caasimadda si ay u muujiyaan cabashadooda ku saabsan sicir-bararka iyo duruufaha nololeed ee sii adkaanaya, kaas oo ugu weynyahay qiima kororka Shidaalka.
Qoraal uu soo saaray Farmaajo ayuu ku sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku shaqeysta bajaajka, kuwaas oo ku dadaalaya inay si sharaf leh u maareeyaan nolol maalmeedkooda, ay mudan yihiin garab istaag iyo in laga dulqaado culaysyada iyo canshuuraha ay ka cabanayaan.
“Waxaan si adag u cambaaraynayaa tacaddiyada iyo xarigga loo geystay gaadiidlayda bajaajka ee Muqdisho, xilli ay si nabad ah u soo bandhigayeen cabashadooda ku aaddan sicir-bararka iyo duruufaha nololeed ee ay la halgamayaan,” ayuu yiri Farmaajo.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay in dhallinyarada aaminsan dalkooda oo ku shaqeynaya xaalado adag ay xaq u leeyihiin in la dhageysto tabashadooda, halkii laga wajihi lahaa cabburin iyo xarig.
Farmaajo ayaa dowladda ugu baaqay inay ka waantowdo waxa uu ku tilmaamay dhaqannada cabburinta iyo xadgudubyada, isla markaana ay si degdeg ah uga jawaabto cabashooyinka bulshada. Wuxuu sidoo kale ku adkeeyay in la sii daayo dhallinyarada lagu xiray bannaanbaxa.
“Waxaan ugu baaqeynaa dowladda in si degdeg ah loo sii daayo dhallinyaradaas u istaagay xuquuqdooda aasaasiga ah, kuwaas oo uu dammaanad qaadayo dastuurka iyo shuruucda dalka,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa ku dhiirrigeliyay dhallinyarada Soomaaliyeed inay sii wadaan dadaalkooda iyo aaminaadda ay u qabaan dalkooda, ayna ka niyad jabin caqabadaha jira.
Bannaanbaxyada bajaajleyda ee Muqdisho ayaa ka dhashay cabashooyin la xiriira qiima koror ku yimid shidaalka, kaas oo darawalada Mootooyinka Bajaajka ay sheegeen in Ganacsatada Gobolka Banaadir ay si ula kac ah sare ugu qaadeen, iyaga oo ku marmar siyoonaya dagaalka ka socda dalal kamid ah gobolka Bariga Dhexe.
Hoos Ka Akhrsio Warsaxaafadeed uu Caawa soo saaray Farmaajo.










