Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Farmaajo oo War kasoo saaray xarig loo geystay Darawalada Mootooyinka Bajaajka baaqna u diray Dowladda
    LATEST NEWS

    Farmaajo oo War kasoo saaray xarig loo geystay Darawalada Mootooyinka Bajaajka baaqna u diray Dowladda

    Banaadir24 EditorBy Banaadir24 Editor11 March 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa si kulul u cambaareeyay tacaddiyada iyo xarigga loo geystay darawallada bajaajka ee magaalada Mogadishu, kuwaas oo maanta bannaanbax ka dhigay caasimadda si ay u muujiyaan cabashadooda ku saabsan sicir-bararka iyo duruufaha nololeed ee sii adkaanaya, kaas oo ugu weynyahay qiima kororka Shidaalka.

    Qoraal uu soo saaray Farmaajo ayuu ku sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku shaqeysta bajaajka, kuwaas oo ku dadaalaya inay si sharaf leh u maareeyaan nolol maalmeedkooda, ay mudan yihiin garab istaag iyo in laga dulqaado culaysyada iyo canshuuraha ay ka cabanayaan.

    “Waxaan si adag u cambaaraynayaa tacaddiyada iyo xarigga loo geystay gaadiidlayda bajaajka ee Muqdisho, xilli ay si nabad ah u soo bandhigayeen cabashadooda ku aaddan sicir-bararka iyo duruufaha nololeed ee ay la halgamayaan,” ayuu yiri Farmaajo.

    Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay in dhallinyarada aaminsan dalkooda oo ku shaqeynaya xaalado adag ay xaq u leeyihiin in la dhageysto tabashadooda, halkii laga wajihi lahaa cabburin iyo xarig.

    Farmaajo ayaa dowladda ugu baaqay inay ka waantowdo waxa uu ku tilmaamay dhaqannada cabburinta iyo xadgudubyada, isla markaana ay si degdeg ah uga jawaabto cabashooyinka bulshada. Wuxuu sidoo kale ku adkeeyay in la sii daayo dhallinyarada lagu xiray bannaanbaxa.

    “Waxaan ugu baaqeynaa dowladda in si degdeg ah loo sii daayo dhallinyaradaas u istaagay xuquuqdooda aasaasiga ah, kuwaas oo uu dammaanad qaadayo dastuurka iyo shuruucda dalka,” ayuu hadalkiisa ku daray.

    Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa ku dhiirrigeliyay dhallinyarada Soomaaliyeed inay sii wadaan dadaalkooda iyo aaminaadda ay u qabaan dalkooda, ayna ka niyad jabin caqabadaha jira.

    Bannaanbaxyada bajaajleyda ee Muqdisho ayaa ka dhashay cabashooyin la xiriira qiima koror ku yimid shidaalka, kaas oo darawalada Mootooyinka Bajaajka ay sheegeen in Ganacsatada Gobolka Banaadir ay si ula kac ah sare ugu qaadeen, iyaga oo ku marmar siyoonaya dagaalka ka socda dalal kamid ah gobolka Bariga Dhexe.

    Hoos Ka Akhrsio Warsaxaafadeed uu Caawa soo saaray Farmaajo.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleMadaxweynaha Jubbaland oo kulamo xasaasi ah ka wada Magaalada Nairobi
    Next Article Sawirro:- Ciidamo la kala dhex-dhigay maleeshiyaadkii ku dagaalamay Shabeellaha Dhexe
    Banaadir24 Editor
    • Website

    Related Posts

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato

    6 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    By Banaadir246 October 20260

    Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato

    6 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay
    • Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland
    • Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…
    • Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato
    • Turkiga iyo Pakistan oo ciidamo u diraya Sacuudiga kadib weerarrada Xuutiyiinta

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d