LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawiro:- Ciidamada Dowladda oo goordhow la wareegay degaanka Xawaadleey iyo Al-Shabaab oo…

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gudaha u galay deegaanka istiraatiijiga ah ee Xawaadley oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay halkaasi isaga baxeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Howlgalkan oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoreynayo deegaannada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab ayaa waxaa hoggaaminaya saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda. Saraakiisha ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in ciidamada ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka, isla markaana ay wadaan baaritaanno iyo howlgallo lagu xaqiijinayo amniga.

Waxay sidoo kale sheegeen in ciidamada ay si gaar ah u ilaalinayaan badqabka shacabka ku nool deegaanka, iyagoo hubinaya in aan waxyeello soo gaarin dadka rayidka ah inta ay socoto howlgallada amniga lagu sugayo.

Saraakiishu waxay intaas ku dareen in howlgalladu aysan ku ekaan doonin Xawaadley oo keliya, balse ay ciidamada u sii gudbi doonaan deegaannada kale ee gobolka halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Dhanka kale, inta badan shacabka ku nool deegaanka Xawaadley ayaa horay uga barakacay deegaanka, iyagoo ka cabsi qabay in dagaallo ka dhacaan gudaha deegaanka iyo nawaaxigiisa.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *