LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro:- Ciidamo la kala dhex-dhigay maleeshiyaadkii ku dagaalamay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 193-aad, ayaa ku guuleystay in ay kala dhex galaan laba maleeshiyo beeleed oo maanta ku dagaallamay degaanka Xagaay-Dag oo hoostaga Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.
Ciidamada oo uu hoggaaminayay Taliye Ku-xigeenka Ururka 193-aad Cabdullaahi Saneey ayaa si degdeg ah u gaaray goobta uu dagaalku ka socday, iyagoo ku guuleystay inay kala qaadaan maleeshiyaadka dagaallamay isla markaana degaanka ka xakameeyaan xiisadda.
Taliye Ku-xigeenka Ururka 193-aad Cabdullaahi Saneey ayaa sheegay in ciidamadu ay ku daba jiraan shaqsiyaadkii ka dambeeyay hurinta colaadda, si sharciga loo horgeeyo loogana hortago in mar kale ay dhacdo falal amni darro oo noocan oo kale ah.
Ciidanka Kumaandooska Gorgor ayaa sidoo kale kala fogeeyay labadii maleeshiyo ee ku dagaallamay degaanka, iyagoo ku guuleystay in ay dib u soo celiyaan xasilloonida iyo ammaanka deegaanka.
Dagaalkii Galabta ka dhacay degaanka Xagaay-Dag oo hoostaga Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ku geeriyooday Afar qof oo uu kamid yahay Muuse Xaadoole oo la dhashay Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo katirsan xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *