Booliska oo xiray Sacdiyo oo aheyd Gabar Bajaajley ah iyo madax cambaareysay
Ciidamo katirsan Booliiska ayaa Maanta Sacdiya Macalin Cali oo ka mid ah Bajaajleyda Muqdisho kuwaas oo maalmahan ka cabanayay Sicirka Qiimaha Shidaalka , iyaga oo saaka kala degay Bajaajtii ay waday agagaarka Isgoyska Taleex.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u cambaareeyay xarigga loo geystay Sacdiyo Macallin Cali, xilli ayt ku guda jirtay Shaqa Maalmeeedkeeda caadiga ah.
Sacdiyo ma aha oo kaliya wade Bajaaj ee waa gabar labo shahaado jaamacadeed shaqo ku waysay, balse sida dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed waxay kaxaynta Bajaajta u dooratay in ay nafteeda iyo tan qoyskeeda ku maareyso ayuu yiri” Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Hay’adaha Amniga Dowladda Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin sababaha ay u xir xirayaan dadka dareenkooda muujinaya ee ka cabanaya Sicir bararka, xilli Madaxweyne Xasan Sheekh dhowr jeer sheegay in qof aan loo xiri doonin aragtidiisa, balse hadalkaas uu noqday mid beenoobay oo dad badan la xir xiray.









