LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Nabaddoon Caan ah oo lagu dilay Gobolka Gedo & laamaha Ammaanka…

Rag hubeysan ayaa caawa degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ku dilay Allaha u naxariistee Nabadoon Hire Dhiire Ibraahim oo kamid ahaa nabaddoonada ugu caansan gobolkaas.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmada, dablay hubeysan ayaa toogtay nabaddoonka xilli uu kasoo baxay masjid ku yaalla magaalada Balad-Xaawo. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ragga dilka geystay ay si degdeg ah uga baxsadeen goobta kadib markii ay fuliyeen weerarka.

Taliyaha amniga gobolka Gedo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa ka tacsiyeeyay geerida nabaddoonka, isagoo sheegay in ciidamada amniga ay wadaan baaritaan la xiriira dhacdadaasi.

Taliyaha ayaa sidoo kale ballan qaaday in la soo qaban doono raggii ka dambeeyay dilka, isla markaana cadaaladda la horkeeni doono.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa sii kordhayay walaaca laga qabo amniga degmada Balad-Xaawo, gaar ahaan tan iyo markii ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay kala wareegeen maamulka degmadaas ciidamada Jubbaland.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay inay wadaan dadaallo lagu xaqiijinayo amniga degmada iyo soo qabashada dadkii ka dambeeyay falka dilka ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *