Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Xog: Wada-hadallada Dowladda Somalia iyo Somaliland oo dib u billaabanaya
    LATEST NEWS

    Xog: Wada-hadallada Dowladda Somalia iyo Somaliland oo dib u billaabanaya

    Banaadir24 EditorBy Banaadir24 Editor12 March 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulan xalay dhex maray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, iyo hoggaamiyeyaasha dalalka dariska ah ee Ethiopia iyo Djibouti lagu falanqeeyay sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

    Sida ay sheegeen ilo ka tirsan Villa Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa ka codsaday dalalka dariska ah inay door firfircoon ka qaataan dadaallada lagu doonayo in dib loogu bilaabo wadahadallada u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa maalmaha soo socda.

    Wararka ayaa intaas ku daraya in Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed uu qorsheynayo inuu gogosha wadahadalka dhigo, iyadoo la filayo in ay kulmaan Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud iyo Madaxweynaha Somaliland Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro. Inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin goobta kulanka, haddana waxaa aad loo hadal hayaa in lagu qabto magaalada Addis Ababa.

    Dhanka kale, Madaxweynaha Djibouti, Ismail Omar Guelleh, ayaa la filayaa inuu goob joog ka noqdo kulanka islamarkaana uu marqaati ka noqdo heshiis kasta oo ka soo baxa wadaxaajoodka madaxda Soomaalida.

    Sidoo kale waxaa la filayaa in wadahadallada la ballaariyo, iyadoo ay ka qeyb geli karaan ama goob joog ka noqon karaan mas’uuliyiin kale oo gobolka ka tirsan. Kuwaas waxaa ka mid ah Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ee Kenya, Noordin Haji, Wasiirka Difaaca Kenya Aden Barre Duale, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Somali Region Mustafe Muhumed Omar Cagjar, iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Mahmoud Ali Youssouf.

    Dhammaan mas’uuliyiintan ayaa la sheegay inay door goobjoog ama taageero siyaasadeed ka qaadan karaan dadaallada lagu doonayo in xal waara loogu helo wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland.

    Inkasta oo qorshahan uusan weli si rasmi ah u shaacin dowladda, haddana ilo sare oo ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa tilmaamay in rajo wanaagsan laga qabo in wadahadalladu dib u furmaan, isla markaana ay horseedaan horumar siyaasadeed oo cusub.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleDowladda oo war kasoo saartay sara u kaca shidaalka, farriina u dirtay Ganacsatada
    Next Article Ciidamada Dowladda oo Cagta mariyay Saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab & xaaladda oo…
    Banaadir24 Editor
    • Website

    Related Posts

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato

    6 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    By Banaadir246 October 20260

    Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato

    6 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay
    • Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland
    • Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…
    • Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato
    • Turkiga iyo Pakistan oo ciidamo u diraya Sacuudiga kadib weerarrada Xuutiyiinta

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d