Xog: Wada-hadallada Dowladda Somalia iyo Somaliland oo dib u billaabanaya

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulan xalay dhex maray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, iyo hoggaamiyeyaasha dalalka dariska ah ee Ethiopia iyo Djibouti lagu falanqeeyay sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Somaliland.
Sida ay sheegeen ilo ka tirsan Villa Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa ka codsaday dalalka dariska ah inay door firfircoon ka qaataan dadaallada lagu doonayo in dib loogu bilaabo wadahadallada u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa maalmaha soo socda.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed uu qorsheynayo inuu gogosha wadahadalka dhigo, iyadoo la filayo in ay kulmaan Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud iyo Madaxweynaha Somaliland Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro. Inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin goobta kulanka, haddana waxaa aad loo hadal hayaa in lagu qabto magaalada Addis Ababa.
Dhanka kale, Madaxweynaha Djibouti, Ismail Omar Guelleh, ayaa la filayaa inuu goob joog ka noqdo kulanka islamarkaana uu marqaati ka noqdo heshiis kasta oo ka soo baxa wadaxaajoodka madaxda Soomaalida.
Sidoo kale waxaa la filayaa in wadahadallada la ballaariyo, iyadoo ay ka qeyb geli karaan ama goob joog ka noqon karaan mas’uuliyiin kale oo gobolka ka tirsan. Kuwaas waxaa ka mid ah Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ee Kenya, Noordin Haji, Wasiirka Difaaca Kenya Aden Barre Duale, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Somali Region Mustafe Muhumed Omar Cagjar, iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Mahmoud Ali Youssouf.
Dhammaan mas’uuliyiintan ayaa la sheegay inay door goobjoog ama taageero siyaasadeed ka qaadan karaan dadaallada lagu doonayo in xal waara loogu helo wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland.
Inkasta oo qorshahan uusan weli si rasmi ah u shaacin dowladda, haddana ilo sare oo ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa tilmaamay in rajo wanaagsan laga qabo in wadahadalladu dib u furmaan, isla markaana ay horseedaan horumar siyaasadeed oo cusub.









