LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda oo war kasoo saartay sara u kaca shidaalka, farriina u dirtay Ganacsatada

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka dalka, iyadoo ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqday inay ka fiirsadaan qiimaha ay ku iibinayaan shidaalka si aan culays dheeraad ah loogu saarin shacabka.

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cabdiwahaab Cabdi Cumar (Caanuug), ayaa sheegay in xaaladda caalamka ay marayso marxalad adag, gaar ahaan saameynta ka dhalatay dagaallada ka socda Bariga Dhexe, taasoo saameyn ku yeelatay sahayda shidaalka ee la keeno Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka ayaa tilmaamay in isbeddelka xaaladda caalamiga ah uu ku qasbay ganacsatada inay wax ka beddelaan qiimaha badeecooyinkooda, balse wuxuu ugu baaqay inay muujiyaan naxariis iyo u dhimrin shacabka Soomaaliyeed oo durba wajahaya duruufo dhaqaale oo adag.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah inay tixgeliyaan xaaladda shacabka, islamarkaana aysan ku darin qiimo dheeraad ah oo culays ku noqda muwaadiniinta,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenku.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ay la-tashi la yeelatay ganacsatada shidaalka keena, halkaas oo ay ka dhageysteen cabashooyinka la xiriira qiimaha sare ee ay ku helayaan shidaalka iyo caqabadaha ka jira helitaankiisa.

Ugu dambeyn, Xildhibaan Cabdiwahaab Cabdi Cumar ayaa xusay in dowladda iyo ganacsatada ay isla qaateen in la muujiyo u dhimrin shacabka Soomaaliyeed, iyadoo dowladda ay kaalin muuqata ka qaadan doonto xal u helidda arrimaha saameeyay qiimaha shidaalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *