Dalalka Carabta oo markii ugu horreysay cambaareeyay Israa’iil tan…

Waddamada Khaliijka oo markoodii ugu horeysay si adag u cambaareeyay Israa’iil tan iyo markii uu bilowday dagaalka Bariga Dhexe.
Qaar ka mid ah Dawladaha Khaliijka iyo waddamada Turkiga,Masar, Pakistan iyo Indooniisiya ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada maamulka Israal uu ku xiray Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.
Qoraal si wadajir ah ay waddamadan u soo saareen ayaa lagu yiri:
“Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Sacuudi Carabiya, Urdun, Imaaraadka Carabta , Qadar, Indooniisiya, Pakistan, Masar, iyo Turkiga waxay cambaareynayaan tallaabada ay sii wadaan maamulka gumeysiga Israa’iil ee ah xiritaanka albaabada Masaajidka Al-Aqsa, taas oo ka hor istaagaysa Muslimiinta inay ku cibaadeystaan, gaar ahaan inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.”
Lama oga waxa ay ka bedeli karto xaaladda Bariga Dhexe dagaalka iyo weerarada ay Iiraan ku wado dalalka Carbeed ee xiriirka la leh Mareykanka iyo Israa’iil.









