Xiisad Siyaasadeed oo ka Taagan Degmada Xudur, Laftagareen & Aadan Madoobe oo isku haya

Degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa wajahaysa xaalad siyaasadeed oo kacsan kadib kala qaybsanaan ka dhalatay taageerada ama diidmada dastuurka ay ansixiyeen labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Khilaafkan ayaa u dhexeeya laba garab oo kala taageersan hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo kala aragti duwan ka qaba arrinta dastuurka. Qayb ka mid ah bulshada iyo maamulka degmada ayaa si cad u taageersan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan, oo asal ahaan ka soo jeeda degmada Xudur isla markaana door muuqda ka qaatay dadaallada lagu dhammaystirayo dastuurka dalka.
Dhanka kale, garab kale oo ka tirsan bulshada iyo masuuliyiinta deegaanka ayaa garab istaagaya Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), kaas oo diidan in degmada Xudur ay si rasmi ah u taageerto dastuurka cusub, maadaama uu isagu horey uga muujiyey aragti diidmo ah.
Kala aragtidaasi waxay sababtay in bulshada degmada u kala safato laba dhinac, iyadoo mid walba uu muujinayo taageerada uu u hayo hoggaamiyaha uu la safan yahay. Xiisadda siyaasadeed ayaa sare u sii kacday saacadihii la soo dhaafay, waxaana la filayaa in maalinta berri ah si cad loo arko dhinaca awoodda iyo taageerada badan ku leh gudaha degmada.
Go’aanka ka soo baxa Xudur ayaa la rumeysan yahay inuu saameyn ku yeelan karo jihada siyaasadeed ee degmada iyo doorka ay ka qaadan doonto doodaha la xiriira dastuurka dalka.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in dadaallo lagu doonayo dejinta xaaladda ay socdaan, si looga hortago in khilaafka siyaasadeed uu isu beddelo xiisad amni oo saameyn ku yeelata nolosha shacabka.
Degmada Xudur ayaa ka mid ah degmooyinka muhiimka ah ee gobolka Bakool, waxaana si dhow loola socdaa sida ay u wajahdo murankan siyaasadeed ee ka dhashay arrimaha dastuurka.









