Ciidamada Dowladda oo Cagta mariyay Saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab & xaaladda oo…

Ciidanka Militariga Soomaaliya ayaa maanta howlgal ka fuliyay deegaano ku dhow Gandarshe oo hoostaga degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku burburiyeen saldhigyo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.
Warar laga helayo saraakiil ka tirsan Ciidanka Militariga ayaa sheegaya in howlgalka uu si gaar ah uga dhacay dhulka u dhow Gandarshe, islamarkaana ciidamada ay ku guuleysteen inay burburiyaan dhufaysyo iyo fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas.
Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka lagu fashiliyay qorshe ay kooxda Al-Shabaab ka damacsanaayeen deegaannada ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalka, mana jirto faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya oo ku saabsan tirada dagaalyahannada la dilay ama dhaawacmay.
Deegaanka Gandarshe ayaa kamid ah deegaannadii ugu dambeeyay ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ciidamada dowladda kala wareegeen Al-Shabaab, wuxuuna ku yaallaa inta u dhaxaysa xeebta Muqdisho iyo magaalada Marka.
Howlgallada noocan ah ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay ku wiiqdo awoodda Al-Shabaab ee gobollada Koonfurta dalka.









