LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka hadlay xariga loo geystay Bajaajleyda

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray cabashooyinka  darawallada Bajaajta ee ka howl-gala magaalada Muqdisho ee la xiriirta qiima kororka shidaalka iyo sidoo kale xarig loo geystay wariyayaal ka waramayay bannaanbax ay dhigayeen darawalladaasi.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in goluhu si adag uga cabanayo isticmaalka gacan-ka-hadalka ee lagu kacay qaar ka mid ah darawallada Bajaajta oo cabashadooda muujinayay, iyo sidoo kale xarig loo geystay wariyayaal tabinayay dhacdada.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu xusay in darawallada Bajaajta ay yihiin shaqaale hal-abuuro leh oo door muhiim ah ka qaata dhaqaaleha dalka, maadaama ay nolol-maalmeedka qoysas badan ku tiirsan yihiin. Waxa kale oo lagu tilmaamay in shaqadoodu ay tahay mid sahasha isu-socodka bulshada isla markaana ka qeyb qaadata dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo nolosha magaalada.

Goluhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in mudaaharaadyada nabadeed iyo cabbiridda aragtidu ay yihiin xuquuq aasaasi ah oo uu dammaanad qaaday dastuurka, islamarkaana ay qayb ka yihiin nidaamka dimuqraadiyadeed. Sidaas darteed, war-saxaafadeedka ayaa ku baaqay in la ixtiraamo xorriyadda hadalka iyo tan saxaafadda.

Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo darawallada Bajaajta ee la xiray, gaar ahaan kuwa lagu qabtay degmada Hodan, isla markaana la joojiyo tallaabo kasta oo lagu cabburinayo cabashada muwaadiniinta.

Ugu dambayn, goluhu wuxuu ugu baaqay hay’adaha ammaanka iyo maamulka dowladda inay dhowraan sharciga, isla markaana ay xaqiijiyaan ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo suxufiyiinta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *