Qarax Askar lagu dilay oo ka dhacay duleedka Mandheera

Qarax xooggan ayaa ka dhacay duleedka degmada Ceel Qaalow ee gobolka Mandheera, oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamo Soomaali ah oo u shaqeynayay dowladda Kenya.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex askari lagu dilay qaraxa, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen. Dadka la dilay waxaa ka mid ahaa taliyihii ciidamadan u qaabilsanaa deegaanka Elele, Xuseen Afaanboore, oo ka mid ahaa saraakiisha hoggaamineysay ciidanka.
Qaraxa ayaa sidoo kale sababay in la gubo gaari nooca Kooyal ah oo ay wateen ciidamada, kaasi oo gebi ahaanba ku basbeelay goobta uu weerarku ka dhacay.
Ciidamo ka tirsan booliska Kenya ayaa gaaray goobta qaraxa, kuwaas oo gurmad u fidiyay askarta dhaawaca ah isla markaana bilaabay baaritaan ku aaddan sida uu qaraxu u dhacay.
Dhinaca kale, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan. Si kastaba ha ahaatee, dowladda Kenya weli si rasmi ah ugama hadlin qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay.
Gobolka Mandheera ee ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa marar badan waxaa ka dhaca weerarro iyo qaraxyo lala beegsado ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha dowladda.









