Madaxweynaha Turkiga oo cadeeyay mowqifkiisa dagaalka Bariga Dhexe

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dalkiisu uusan ku lug yeelan doonin dagaalka u dhexeeya Israa’iil, Mareykanka iyo Iiraan, isagoo carrabka ku adkeeyay in Ankara ay doorbideyso xal diblomaasiyadeed oo lagu soo afjaro xiisadda sii kordheysa ee Bariga Dhexe.
Erdogan ayaa xusay in Turkigu uu diyaar u yahay inuu ka qeyb qaato dadaallada lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada isku haya colaadda, si loo helo xal nabadeed oo waara. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Turkiga ay ka fogaaneyso tallaabo kasta oo keeni karta in xiisadda gobolka ay si toos ah u gaarto dalka Turkiga.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay jireen warar iyo hadal-hayn ku saabsan in Turkigu laga yaabo inuu ka jawaabo gantaallo laga soo riday dhanka Iiraan, kuwaas oo la sheegay in ay burburiyeen nidaamyada difaaca hawada ee NATO. Si kastaba ha ahaatee, dowladda Iiraan ayaa si cad u beenisay in ay iyadu mas’uul ka tahay gantaalladaas lagu sheegay in ay ku wajahnaayeen dhanka Turkiga.
Dowladda Ankara ayaa ku celcelisay in ay doorbideyso xasilloonida gobolka, islamarkaana ay sii wadi doonto dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu yareynayo xiisadaha u dhexeeya quwadaha ku lugta leh colaadda.
Xiisadda u dhaxeysa Israa’iil, Mareykanka iyo Iiraan ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay sii xoogeysaneysay, iyadoo dalal badan oo gobolka ah ay muujinayaan walaac ku aaddan in dagaalku uu ku fido dalal kale oo Bariga Dhexe ah.









