Sawirro: Mucaaradka Koonfur Galbeed oo soo bandhigay hub & Gaadiid dagaal

Degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay ayaa martigelisay bandhig ciidan oo lagu soo bandhigay hub, gaadiid dagaal iyo cutubyo ka tirsan ciidamo gaar ah, kuwaas oo la sheegay inay fuliyeen howlgallo amni xaqiijin ah oo laga sameeyay deegaanno dhowr ah oo hoos yimaada degmada.
Wararka laga helayo Buur-hakaba ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay sameeyeen howlgallo qorsheysan oo lagu sugayo ammaanka, iyadoo sidoo kale degmada ay gaareen saraakiil la sheegay inay hore uga tirsanaayeen ama ula dagaalamay maamulka Koonfur Galbeed.
Dhanka kale, degmada Buur-hakaba ayaa la sheegay inay xoojisay difaacyadeeda, xilli maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) lagu waramayo inuu wado diyaargarow militari oo ku wajahan mucaaradka siyaasadeed.
Wararka ayaa intaas ku daraya in maalmo ka hor taliyaha Ciidanka Asluubta, Mahad Cabdiraxmaan, uu ciidamada Asluubta qaarkood ku wareejiyay madaxweyne Laftagareen si ay uga qayb qaataan abaabulka militari ee ka dhanka ah mucaaradka.
Si kastaba ha ahaatee, diyaargarowga xooggan ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhalisay dood iyo eedeyn ka timid qaar ka mid ah bulshada iyo siyaasiyiinta deegaanka, kuwaas oo ku andacoonaya in maamulka uusan hore u muujin diyaargarow lamid ah kan hadda jira si loola dagaallamo kooxda Al-Shabaab oo ku sugan duleedka magaalada Baydhabo.
Bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed ayaa muujinaya walaac ku saabsan suuragalnimada dagaal dhex mara maamulka iyo mucaaradka, kaas oo laga cabsi qabo inuu saameyn ku yeesho xaaladda amni iyo nololeed ee shacabka.










