Madaxweyne Deni oo sameeyay Magacaabis ay ku farxeen Shacabka Puntland

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Puntland, ayaa xalay si rasmi ah u magacaabay laba guddi oo cusub kuwaas oo ka shaqayn doona arrimo muhiim u ah bulshada, gaar ahaan xaaladda maciishadda iyo kormeerka xabsiyada.
Guddiga koowaad ayaa loo xil saaray in ay daraasad qoto dheer ku sameeyaan qiima kororka maciishadda iyo shidaalka, kuwaas oo muddooyinkii dambe saameyn ku yeeshay nolosha shacabka. Guddigan ayaa sidoo kale soo jeedin doona talooyin iyo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu yareyn karo culayska dhaqaale ee soo wajahay bulshada ku nool Puntland.
Guddiga labaad ayaa loo igmaday kormeerka xabsiyada kala duwan ee Puntland. Waxay guddigu soo diyaarin doonaan warbixin ku saabsan xaaladda maxaabiista, gaar ahaan kuwa mudan in cafis madaxweyne lagu sii daayo munaasabadda Ciidul Fitriga.
Warbixinta guddigan ayaa la filayaa inay saldhig u noqoto go’aan madaxweyne oo la xiriira cafis loo fidin karo qaar ka mid ah maxaabiista inta lagu jiro munaasabadda Ciidda.
Bulshada ku nool degmooyinka iyo deegaannada Puntland ayaa si weyn u soo dhaweeyay magacaabista guddiyadan cusub, iyaga oo muujiyay rajo ah in tallaabooyinkani ay kaalin ka qaadan doonaan xal u helidda dhibaatooyinka maciishadda iyo dib u eegista xaaladda maxaabiista.









