Puntland oo awood ku furtay wadadii ay xirteen Ciidamadii gadoodsanaa

Ciidamadii maalintii shalay xiray afaafka hore ee magaalada Boosaaso ayaa ugu dambeyn lagu qanciyay inay dib u furaan waddada muhiimka ah ee isku xirta Boosaaso iyo gobollada kale ee dalka, kaddib wadahadallo ay la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland.
Mas’uuliyiinta oo gaaray goobta ay ciidamadu xirnaayeen ayaa la hadlay ciidamada gadoodsan, waxaana lagu guuleystay in xal laga gaaro xiisaddii taagnayd. Furitaanka waddada ayaa suurtageliyay in boqolaal gaadiid ah oo tan iyo shalay halkaas ku xanibnaa ay dib u bilaabaan safarkoodii.
Xukuumadda Puntland ayaa saaka hore qorsheysay in waddada lagu furo awood ciidan haddii xal degdeg ah la waayo. Intii lagu guda jiray dadaalladaas ayaa waxaa halkaasi ka dhacay iska hor-imaad kooban oo sababay dhaawaca hal askari.
Xiritaanka waddadan ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga magaalada Boosaaso, iyadoo dad badan ay ku xannibnaayeen afaafka hore ee magaalada, iyada oo qaar kamid ah Bulshada ay walaac ka muujinayeen xirnaanshaha wadadaas, hayeeshee ugu dambeyn lagu guuleystay in la furo.
Inta badan shacabka ku nool Boosaaso ayaa soo dhaweeyay dib u furitaanka waddada, iyagoo ugu baaqay xukuumadda Puntland inay wax ka qabato cabashooyinka ciidamada si loo hubiyo in xaalad la mid ah aysan mar kale u dhicin.









