LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Senator Dowladda Federaalka ku eedeeyay hurinta colaadda Koonfur Galbeed

Senator Aadan Cabdinaasir oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul ugu eedeeyay Dowladda Federaalka in ay hurineyso colaadda ka taagan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, isaga oo sidoo kale sheegay in xukuumaddu ay cunaqabateyn saartay shacabka ku nool dowlad-goboleedkaas.

Senatorku wuxuu sheegay in tallaabooyinka dowladda ay sii hurinayaan xiisadda, isla markaana ay saameyn toos ah ku yeelanayaan shacabka rayidka ah. Wuxuu ku dooday in dowladda ay markii hore ku fashilantay dadaallo uu sheegay in wasiirro loo adeegsaday, kuwaas oo sida uu hadalka u dhigay ka shaqeynayay kicinta qabaa’ilka, kala furfuridda ciidamada iyo hurinta colaad dhex marta bulshada.

“Waxaa ayaan darro ah in dagaalkii markii hore si qarsoodi ah u socday uu maanta isu beddelay cunaqabateyn lagu hayo shacabka Koonfur Galbeed, kaddib markii ay fashilmeen qorshayaashii wasiirrada loo adeegsaday,” ayuu yiri Senator Aadan Cabdinaasir.

Sidoo kale, Senatorku wuxuu ka digay in haddii xaaladda sidaan ku sii socoto ay halis gelin karto nidaamka federaalka dalka. Wuxuu xusay in arrintan ay la mid tahay digniino hore uga yimid dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo ka hadlayay waxa ay ku tilmaameen khatar ku wajahan nidaamka federaalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin eedeymaha uu jeediyay Senator Aadan Cabdinaasir ee ku saabsan hurinta colaadda iyo cunaqabateynta la sheegay in lagu hayo shacabka Koonfur Galbeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *