Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Jubbaland oo war kasoo saartay la-wareegidda Beledxaawo

    9 October 2026

    Al-Shabaab oo sheegatay inay la wareegtay deegaanka Hees

    9 October 2026

    Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku biloowday ku qaaday deegaan ka tirsan Hiiraan

    9 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Senator Dowladda Federaalka ku eedeeyay hurinta colaadda Koonfur Galbeed
    LATEST NEWS

    Senator Dowladda Federaalka ku eedeeyay hurinta colaadda Koonfur Galbeed

    Banaadir24 EditorBy Banaadir24 Editor14 March 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Senator Aadan Cabdinaasir oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul ugu eedeeyay Dowladda Federaalka in ay hurineyso colaadda ka taagan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, isaga oo sidoo kale sheegay in xukuumaddu ay cunaqabateyn saartay shacabka ku nool dowlad-goboleedkaas.

    Senatorku wuxuu sheegay in tallaabooyinka dowladda ay sii hurinayaan xiisadda, isla markaana ay saameyn toos ah ku yeelanayaan shacabka rayidka ah. Wuxuu ku dooday in dowladda ay markii hore ku fashilantay dadaallo uu sheegay in wasiirro loo adeegsaday, kuwaas oo sida uu hadalka u dhigay ka shaqeynayay kicinta qabaa’ilka, kala furfuridda ciidamada iyo hurinta colaad dhex marta bulshada.

    “Waxaa ayaan darro ah in dagaalkii markii hore si qarsoodi ah u socday uu maanta isu beddelay cunaqabateyn lagu hayo shacabka Koonfur Galbeed, kaddib markii ay fashilmeen qorshayaashii wasiirrada loo adeegsaday,” ayuu yiri Senator Aadan Cabdinaasir.

    Sidoo kale, Senatorku wuxuu ka digay in haddii xaaladda sidaan ku sii socoto ay halis gelin karto nidaamka federaalka dalka. Wuxuu xusay in arrintan ay la mid tahay digniino hore uga yimid dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo ka hadlayay waxa ay ku tilmaameen khatar ku wajahan nidaamka federaalka.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin eedeymaha uu jeediyay Senator Aadan Cabdinaasir ee ku saabsan hurinta colaadda iyo cunaqabateynta la sheegay in lagu hayo shacabka Koonfur Galbeed.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleSomaliland oo tacsi u dirtay Itoobiya
    Next Article Warbixin Caalami ah: Dahabka Milxo oo u Dhaxeeya Qoyska Deni, Al-Shabaab iyo Fashilka Dowladda Somalia
    Banaadir24 Editor
    • Website

    Related Posts

    Jubbaland oo war kasoo saartay la-wareegidda Beledxaawo

    9 October 2026

    Al-Shabaab oo sheegatay inay la wareegtay deegaanka Hees

    9 October 2026

    Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku biloowday ku qaaday deegaan ka tirsan Hiiraan

    9 October 2026

    Ciidamada Jubbaland oo gudaha u galay Beledxaawo, gacan-ku-haynta magaalada oo…

    9 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Jubbaland oo war kasoo saartay la-wareegidda Beledxaawo

    By Banaadir249 October 20260

    Madaxtooyada maamulka Jubaland ayaa war-saxaafadeed rasmi ah oo maanta oo taariikhdu tahay 09 Oktoobar 2026…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Al-Shabaab oo sheegatay inay la wareegtay deegaanka Hees

    9 October 2026

    Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku biloowday ku qaaday deegaan ka tirsan Hiiraan

    9 October 2026

    Ciidamada Jubbaland oo gudaha u galay Beledxaawo, gacan-ku-haynta magaalada oo…

    9 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Jubbaland oo war kasoo saartay la-wareegidda Beledxaawo
    • Al-Shabaab oo sheegatay inay la wareegtay deegaanka Hees
    • Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku biloowday ku qaaday deegaan ka tirsan Hiiraan
    • Ciidamada Jubbaland oo gudaha u galay Beledxaawo, gacan-ku-haynta magaalada oo…
    • Villa Soomaaliya oo fariin cusub u dirtay mucaaradka

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d