Ciidamada Mucaaradka koonfur Galbeed oo dagaal kula wareegay degmada Qansax-dheere

Wararka naga soo gaaraya degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay dagaal kooban oo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo mucaaradsan maamulkaas.
Dagaalkan ayaa yimid kadib xiisado maalmahan dambe laga dareemayay degmada, kuwaas oo u dhaxeeyay labada dhinac ee isku haya gacan ku haynta degmada Qansax-dheere.
Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli la helin tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay iska horimaadka.
Warar aan si madaxbannaan loo xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan mucaaradka maamulka Koonfur Galbeed ay la wareegeen inta badan degmada Qansax-dheere, hase yeeshee ma jiro war rasmi ah oo arrintaas xaqiijinaya, maadaama aysan degmada ku sugnayn wariyeyaal si toos ah uga soo tebinaya xaaladda dhabta ah ee halkaasi ka jirta.
Dhanka kale, dadka deegaanka qaarkood ayaa sheegay in ay soo wajahday cabsi xooggan, iyaga oo ka walaacsan in dagaalku uu ku fido deegaano kale oo ku dhow degmada.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo ku saabsan dagaalka maanta ka dhacay degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.









